Faysal Cali Waraabe oo Golaha Wakiillada uga digay carqaladeynta Heshiiska Itoobiya

0
1962

Hargeysa (Hargeisa Press)- Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng, Faysal Cali Waraabe, ayaa waxaa uu eedaymo culus u jeediyay Xildhibaanada aqalka golaha Wakiillada Somaliland.

Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in Xildhibaanada golaha Wakiilladu aanay ahayn kuwo qaadi kara masuuliyad, isla-markaana aanay haboonayn inay fadhiyaan golaha.

Sidoo kale, guddoomiye Faysal, ayaa waxaa kale oo uu Xildhibaanada golaha Wakiillada Somaliland ku eedeeyay in ay yihiin Xildhibaano iibsan.

Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng, Faysal Cali Waraabe, ayaa waxaa uu sheegay in Xildhibaanada golaha Wakiillada la doonayo in loo adeegsado inay ka soo horjeestaan heshiiskii isfahan ee dhexmaray dowladaha Somaliland iyo Itoobiya.

Faysal Cali Waraabe, ayaa hadalkan ka jeediyay kulan maanta ka dhacay magaalada Hargeysa oo lagu falaanqeynayay heshiiskii isfahan ee ay wada gaadheen Somaliland iyo Itoobiya, kaasi oo uu qabtay Machadka Hiir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here