Hargeisa (Hargeisa Press)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay inay ka hortageen qorshe la doonayo in Soomaalida, gaar ahaan Soomaaliya iyo Somaliland la hoos-geeyo Dowladda Itoobiya oo ay noqdaan qayb ka mid ah dalka Itoobiya.
Faysal Cali Waraabe oo galabta soo ka soo degay garoonka Diyaarada ee magaalada Hargeysa, ka dib markii uu maalmihii u dambeeyey Safar ku joogay magaalada Nairobi ee caasimadda Dalka Kenya, ayaa sheegay Beesha caalamka ee Somaliland taageerta oo si weyn uga niyad-jabtay siday Xukuumadda Madaxweyne Biixi wax u waddo iyo dib-u-dhacyada doorashooyinka kala hadleen inaanay joojin wada-shaqaynta ay la leeyihiin Somaliland ee ay gacan-siintooda sii wadaan.
Guddoomiye Faysal Cali Waraabe, waxa uu intaas ku daray oo uu sheegay hadday nidaamkan hadda wax ka beddeli wado Xukuumaddu inay bulshada ugu baaqayaan inay joojiyaan bixinta Cashuuraha dowladdu qaaddo ee ku waajibka ah cashuur-bixiyeyaasha.
Hoos ka daawo muuqaalka warka
Hargeisa Press Desk/ Hargeisa Office.