Faysal Cali Waraabe oo digniin u diray Soomaaliya iyo Jabuuti

0
1635
Faysal Cali Waraabe

Hargeysa (Hargeisa Press)- Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng, Faysal Cali Waraabe, ayaa waxaa uu digniin culus u diray Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Jabuuti.

Faysal Cali Waraabe oo maanta warbaahinta la hadlay, ayaa ku eedeeyay Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Jabuuti inay wadaan qorshe ay doonayaan in ay ku burburiyaan Somaliland.

Waxanu uga digay in ay ka waan toobaan qorshaha ay doonayaan inay ku dhibaateeyaan Somaliland, waxaanu sheegay inaanay waxba yeeli karin Somaliland.

Guddoomiye Faysal, ayaa wuxuu sheegay in danta dalka Somaliland ay ku jirto Itoobiya, isla-markaana ay abaal badan u gashay.

Sidoo kale, waxaa uu ka hadlay khilaafka ka taagan nidaamka hubinta codbixiyeyaasha ee sawirka indhaha, isagoona baaq u diray Madaxweyne Muuse Biixi.

Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in maalinta xoriyadda Soomaaliya ee 1 July oo maanta ku beegan, ay Somaliland u tahay maalin madow.

Ugu dambayn, Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng, Faysal Cali Waraabe, ayaa shacabka Somaliland ugu baaqay inay ka shaqeeyaan adkaynta nabad geliyada dalkooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here