Fannaanada Mss Xiis oo sheegtay in Ciidanka Deegaanka Soomaalidu Afduubteen Walaalkeed

0
992

Jigjiga (Hargeisa Press)- Fannaanada Mss Xiis, ayaa sheegtay, in Ciidanka Dowlad Deegaanka Soomaalidu ay la baxeen oo ay kaxaysteen walaalkeed oo meel ay la tageen aan la garanayn, isaga oo dhaawac ah oo dhowaan ay xabbad ku dhufteen ciidanku.

Wiilka, ayay sheegtay in uu ku jiray xaalad adag oo xataa kaadida sariirta lagaga qaadayay, haddana iyadoo ay sidaa tahay ay ciidanku qaateen.

Fanaanada, ayaa qoraal ay ku baahisay barteeda Facebook ku tidhi sidan: “Walaalkay ayaa mar labaad lala baxay, iyadoo shalayna aad xabbad ku dhufateen oo sakaraada oo kaadida laga qaado oo aan socon karin.”

Mss Xiis, ayaa intaa raacisay: “Walaalkay noo dila oo meydkiisa uun na siiya aanu aasannee, bes, waa intaa uun. Dulmi ka badan ood nagu samayn lahaydeen ma jiro.”

Fannaanadu waxa ay xustay in adeerkeed oo meyd ahna uu u yaallo, waxaanay tidhi: “Adeerkay oo meyd ahna wuu noo yaallaa, tol naga kiin celiyana ma lihin. Illaahay tolow muu hadlo, oo uu ka hadlo dulmigan.”

Fannaanada Mss Xiis, waxa ay ka codsatay maamulka Dowlad Deegaanka, in meydka walaalkeed lagu soo wareejiyo, amaba laga iibiyo si ay u aastaan, waxaanay tidhi: “Koley waad disheen ee meydkiisa nasiya ama naga iibiya. Waan ku qasbanahay medka walaalkay inaan iibsano waanan ogahay inaad dileysaan. Awoodda Ilaahay ayaan sugaynaa.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here