Fannaanada Hibo Nuura oo qiirootay markii ay booqatay Radio Hargeysa

0
1193

Hargeysa (Hargeisa Press)- Fannaanada caanka ah ee Hibo Maxamed Gudoon (Hibo Nuura) oo ka mid ahayd Fannaaniintii waa weynaa ee Hoboladii Waaberi, ayaa waxaa ay maanta booqasho ku tagay xarunta Wasaaradda Warfaafinta Somaliland oo 60 sanno ka hor ugu dambeysay.

Waxaa Fannaanada ku soo dhaweeyay xarunta wasaaradda, Wasiirka wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyi-gelinta Somaliland Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan), madaxda kala duwan ee wasaaradda iyo wariyeyaasha ka hawlgala wasaaradda warfaafinta.

Fannaanada, ayaa booqatay qaybaha kala duwan ee wasaaradda Warfaafinta, iyadoo sidoo kale booqatay Idaacada Radio Hargeysa iyo Telefishanka Qaranka.

Fanaanada Hibo Nuura, ayaa qiirootay markay ku fadhiisatay kursigii Idaacada Radio Hargeysa ee heesteedii ugu horraysay lagaga duubay 60 sano ka hor.

“Waa ilaahay mahaddii, haddii maanta la igu soo dhaweeyay miiskii iyo bartii aan ka bilaabay fanka oo sidii ka qurux badan.” ayay tidhi Fannaanada Hibo Nuura oo farxad weyni ka muuqato wejigeeda.

Hoos ka daawo muuqaalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here