Fanaan Saalax Carab: Waxaa Tacadi Xun iyo Cunsurinimo La Iigu Geystay Hargeysa

0
1952

Hargeisa (Hargeisa Press) – Fanaanka Saalax Carab ayaa sheegay in si cunsurinimo leh loogula dhaqmay Somaliland kadib markii muddo labo todobaad ah uu si sharci darro ah ugu xidhnaa magaalada Hargeysa.

Fannaankan oo maanta dib u helay xoroyadiisa, ayaa farriin uu maalin kahor xabsiga kasoo diray ku sheegay in loo xidhay kadib markii dhawaaan Xamar ay kasoo heeseen isaga iyo fanaaniin kale oo reer Hargeysa ah, balse isaga kaligii la beegsaday.

Waxaa uu tlmaamay intii uu xabsiga ku xidhnaa in loo diiday inuu dawo qaato maadaama uu sheegay inuu qabo xanuuno uu kamid yahay Dhiikar. Waxaa sidoo kale uu tilmaamay in loo diiday qareen udooda.

“Anigoo fanaan ah oo wax dambi ah aanan galin, ayaa la igu xidhay meel lagu xidho tuugada iyo gacan ku dhiiglayaasha ah. Hore looguma xidhin fanaan aniga iga horeeyay. Waxaa la igu cunsuriyeeyay waa qabiilkayga, Waxaan ilaahay ka baryay inuu cadaalad isiiyo,” ayuu yidhi fanaanku.

Fanaanka ayaa kamid ah fanaaniinta kasoo jeeda dalka Yemen, balse ku heesa afka Soomaaliga. Wuxuu fankiisa kasoo bilaabay dowlad degaanka Soomaaliya Ethiopia.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here