Ethiopia Oo Xabsiga Ka Sii Daysay Maxaabiis Siyaasad U Xidhnaa

0
366

Addis Ababa (HP): Dawladda Ethiopia ayaa xabsiyadda ka sii daysay maxaabiis ay ku jiraan siyaasiyiin caan ah oo ay ka mid yihiin Mr. Sebhat Nega, Jawar Mohammed iyo Eskinder Nega.
Siyaasiga caanka ka ah Itoobiya ee Jawar Mohamed, oo ka soo jeeda Qawmiyadda Oromada iyo maxaabiis kale oo u xidhnaa arrimo siyaasadeed ayaa la shaaciyay in laga siidaayay Xabsigii ay ku xidhnaayeen.

Sida lagu baahiyay warbaahinta dawladda Itoobiya ee ENA. “Xukuumadda shacabku ku doorteen ogolaansho, waxay ka mid tahay Waajibaadka Akhlaaqda ee laga sugayo inay ku guulaysato Golaha Qaranka.
Sidaa awgeed Xukuumaddu waxay maanta xorriyadeeda sii daysay qaar ka mid ah Maxaabiis si loo helo siyaasad wanaagsan. Hogaanka”ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka lagu shaaciyay in maxaabiistaasi la sii daayay.
Sannadkii 2020-kii ayaa xabsiga la dhigay Jawar Mohamed, kadib qalalaase ka dhashay dilkii fannaankii caanka ahaa ee Hachalu.
Raysal wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed, ayaa maanta ugu baaqay shacabka Itoobiya in ay is cafiyaan.
Dawladda faderaalka Itoobiya, ayaa go’aamisay in cafis loo fidiyo, xabsigana laga sii daayo maxaabiistaasi aadka u tiradda badan.
Xubnahan maxaabiista cafiska loo fidiyay ayaa waxaa ka mid ah:
1. Mudane Sibhaat Naga
2.Mudane Jawhar Maxammed iyo dhammaan eedaysanayaasha kiiskiisa ku diwaangashanaa.
3.Mudane Iskindir Nega iyo dhammaan eedaysanayaasha kiiskiisa ku diwaangashanaa.
4.Mudane Abdu Zamu
5.Marwo Mulu G/egzkiiskeed.
6.Marwo Qidusan Naga
7. Mudane Abay Waldu.
8. Mudane Kiros Hagos.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here