Ankara (Hargeisa Press)- Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan, ayaa ku dhowaaqay inuu qorsheynayo inuu booqdo Itoobiya iyo Soomaaliya bilaha January ama February sannadka 2025, ka dib markii ay saxeexeen Baaqii Ankara ee u dhaxeeyay labada dal 11-kii December, 2024, sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka ee Turkiga ee Anadolu.
Isagoo ka hadlayay magaalada Erzurum, ee bariga Turkiga, Erdoğan wuxuu sharraxay in heshiiska la gaadhay ka dib “kulan socday toddoba saacadood.” Wuxuu yidhi: “Waad ku mahadsan tahay wadashaqeyntooda, waxaan saxeexnay heshiiska oo aan dhameystirnay shaqada.”
“Waxaan tagnay qolkayaga shirarka jaraa’id oo aan u sheegnay adduunka,” ayuu raaciyay. “Waxaan ku idhi, ‘Ilaahay idamkii, waxaan booqan doonaa Itoobiya iyo Soomaaliya labada bilood ee ugu horreeya sannadka soo socda, waxaana tallaabadan u sheegi doonaa adduunka.
Baaqa Ankara oo lagu saxeexay magaalada Ankara ee dalka Turkiga intii uu socday kulanka Erdogan, Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa lagu xaqiijiyay “ixtiraamka iyo ka go’naanta midba midka kale, midnimadiisa, madax-bannaanidiisa, iyo wadajirkiisa dhuleed,” sida lagu sheegay war-murtiyeed wadajir ah.
Heshiisku wuxuu aqoonsaday “faa’iidooyinka kala duwan ee suurtagalka ah” ee Itoobiya inay hesho “la hubo ah gelitaanka iyo ka imaanshaha badda,” Waxa kale oo ay sheegtay in madaxdu ku heshiiyeen “in la iska dhaafo oo laga tago khilaafaadka iyo arrimaha la isku hayo.”
Edogan waxa uu xusay “Xidhiidhka gaarka ah” ee uu la leeyahay Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, kaas oo uu sheegay in ay fududaysay wada-hadallada. Waxa uu sidoo kale iftiimiyay taageerada Turkiga ee labada dal, isagoo yidhi: “Waxaan maalgashi ku sameynay [Soomaaliya]. Maalgashigaas oo ay weheliyaan, waxaanu sidoo kale qaadnay tillaabooyin ka dhan ah ururada argagixisada ah ee Soomaaliya.” Wuxuu intaas ku daray in Bayaanka Ankara uu Itoobiya siiyay “dhammaan taageerada aan ay geysan karto dhaqaalaha iyo difaaca.”
Bayaanka, ayaa qeexaya qorshaha wada xaajoodyo farsamo oo ku saabsan gelitaanka badda Itoobiya, kaasoo lagu wado inuu bilaabmo bisha February 2025 laguna soo gebagebeeyo afar bilood gudahood. Labada dal waxay ku heshiiyeen “in ay si dhow uga wada shaqeeyaan dhamaystirka qabanqaabada ganacsi ee faa’iidada leh”.
Waxa kale oo ay qiratay deeqaha milateri ee Itoobiya ee Soomaaliya, iyada oo sheegtay: “Soomaaliya waxa ay qiraysaa naf-hurnimadii ay sameeyeen askarta Itoobiya.” Intaa waxaa dheer, waxay muujisay mahadnaqa doorka Turkiga, iyadoo leh: “Waxaan u muujineynaa mahadnaqa Turkiga iyo Madaxweyne Erdogan dadaalkan iyo sida ay uga go’an tahay geeddi-socodka.”
Xidhiidhka u dhexeeya Itoobiya iyo Soomaaliya, ayaa xumaaday horraantii 2024 ka dib markii ay Itoobiya heshiis is-afgarad ah la saxeexatay Somaliland oo ay ka kiraysay 20 kilomitir (12 mayl) oo xeebta ah si ay u aqoonsato madaxbannaanida Somaliland, tallaabadaas oo Muqdisho ku tilmaantay “mid xad-gudub ku ah madax-bannaanida dhuleed ee Soomaaliya. .”
Baaqa Ankara oo ay soo dhaweeyeen Midowga Afrika, Mareykanka iyo Boqortooyada Ingiriiska, ayaa looga gol leeyahay dib u soo celinta iskaashiga u dhexeeya Itoobiya iyo Soomaaliya.