Dr. Axmed Ibraahim Obolos oo ku geeriyooday magaalada Hargeysa

0
1122

Hargeysa (Hargeisa Press)- Alle ha u naxariistee waxaa saaka magaalada Hargeysa ku geeriyooday Dr. Axmed Ibraahim Obolos oo ka mid ahaa dhakhaatiirta waa weyn ee Somaliland.

Dr. Obolos, ayaa waxaa uu ka mid ahaa dhakhaatiirka 40kii sano ee u dambeeyey ka hawl-galayay goobaha caafimaadka ee dalka.

Alle ha u naxariistee Dr. Obolos, ayaa waxaa uu si gaar ah uga hawl galayay cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa ee ay dowladdu maamusho.

Dr. Axmed Ibraahim Obolos, ayaa alle ha u naxariistee waxaa uu ahaa dhakhtar weyn oo in badan dadkiisa u soo shaqeeyey.

Waxaa uu Dr. Obolos, kaalin weyn oo mug leh ka qaatay adeeg bixinta caafimaadka guud ee Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here