Dowladda UK oo lagu cadaadiyay inay dhegaysato baaqyada aqoonsiga Somaliland

0
5101

London (Hargeisa Press)- Xildhibaanada baarlamaanka ee dalka Ingiriiska, ayaa waxaa ay dowladda UK u jeediyeen baaqyo culus oo la xidhiidha Somaliland, iyagoona ku cadaadiyay in ay dhegaysto baaqyada la xidhiidha aqoonsiga Somaliland.

Baaqyadan soo cusboonaaday, ayaa yimi todobaadkan kadib markii golaha deegaanka Liverpool ay si wada jir ah u taageereen mooshin ay Somaliland ku aqoonsadeen oo lagu tilmaamay mid wax weyn ka taraya xidhiidhka uu dalku la leeyahay caalamka intiisa kale.

Xildhibaan Gavin Williamson oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Ingiriiska, ayaa ugu baaqay Xoghayaha Arrimaha Dibedda UK, David Lammy inuu dhegeysto baaqyada la xidhiidha aqoonsiga Somaliland.

Gavin Williamson, ayaa ku booriyay Xoghayaha arrimaha dibedda ee dalkiisa inuu aqbalo dhawaaqyada aqoonsiga Somaliland ee ka soo yeedhaya qaybo ka mid ah dalkaas oo uu tilmaamay in loo baahan yahay in Ingriisku qaado siyaasaddii uu Somaliland ku ictiraafi lahaa.

Xildhibaan Gavin Williamson, waxa kale oo uu si weyn u ammaanay go’aanka ay Golaha Deegaanka ee magaalada Liverpool ku aqoonsadeen Somaliland.

Gavin Williamson waxa uu u sheegay Wargeyska The Independent: “Tani waa tallaabo muhiim ah oo calaamad ah, waxaanan rajaynayaa in xoghayaha arrimaha dibadda uu dhegeysto codadka xisbiyada isdhaafsiga ah ee arrintan ku saabsan oo uu u dhaqmo si uu u dhaqaajiyo siyaasadda UK si ay u aqoonsato Somaliland si ay u aqoonsato xaqiiqada dhabta ah.”.

Xoghayaha arrimaha dibedda ee UK David Lammy, ayaa lagu riixayaa in uu si degdeg ah dib u eegis ugu sameeyo siyaasadda arrimaha dibadda ee Britain ee ku wajahan xulafada muhiimka ah ee dagaalka Badda Cas kula jira Xuutiyiinta oo uu si rasmi ah u aqoonsado Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here