Dowladda Turkiga oo war ka soo saartay wadahadalladii Itoobiya iyo Soomaaliya

0
1435

Ankara (Hargeisa Press)- Dowladda Turkiga, ayaa shaacisay qaab cusub oo ay u wajaheyso wadahadallada ay ku dhex-dhexaadineyso Itoobiya iyo Soomaaliya kadib markii ay fashilmeen wareeggii 3-aad ee wadahadalladu.

Wasiirka arrimaha dibedda Turkiga Hakan Fidan oo maanta u warramay Wakaaladda Wararka Turkiga ee Anadolu, ayaa sheegay in ay qorsheynayaan inay si kala gaar ah ula kulmaan Itoobiya iyo Soomaaliya, oo ay xal helaan kahor inta aan dhinacyada la isugu keenin si fool ka fool ah.

Hakan Fidan, ayaa sheegay in dowladda Turkigu ay sii waddo in Itoobiya iyo Soomaaliya ula hadasho si heer wasiir iyo heer madaxeed ah.

Waxaa uu intaas ku daray inuu rajo ka qabo in la helo xal maadaama ay dhinacyadu ay “meel gaar ah isugu yimaadeen,” taasi oo qeyb ka ahayd wadahadalladii Ankara.

“Intii aan isla dhinacyadii halkan u keeni lahayn wadahadallo toos ah – kolayba si toos ah uma kulmi lahayn oo anaga ayay nala kulmi lahaayeen. Waxaa ujeedku yahay in aan la samayno xidhiidh mid mid ah, si ay iskula meel dhigaan mowqifyada, kadibna isu keenno dhinacyada marka ay mowqifyadooda meel isugu yimaadaan,” ayuu yidhi Wasiirka arrimaha dibedda Turkiga Hakan Fidan.

Wasiirka arrimaha dibedda Turkiga Hakan Fidan, ayaa waxaa uu sidoo kale sheegay inay casharo ka barteen labadii wareeg ee hore ee wadahadallada.

Turkiga, ayaa illaa hadda marti-geliyay laba wareeg oo wadahadallo ah oo dhexmaray Itoobiya iyo Soomaaliya, iyada oo isku dayaysa inay hagaajiso xidhiidhkooda.

Wareeggii saddexaad ee wada-hadalalda oo la qorsheeyay in uu Ankara ka dhaco Salaasadii, ayaa la baajiyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here