Dowladda Somaliland oo Faahfaahin ka Bixisay Gurmad Biyaha Loogu Dhaaminayo Degaannada Dadka Baro-kacayaasha ah

0
1033
Gudoomiyaha hay’ada qaxootiga iyo barakacayaasha Somaliland Cabdikariin Xinif

Hargeysa,(HargeisaPress)—Dowladda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa sheegtay in hay’addihii ay ka dalbatay in ay gacan ka gaystaan biyo-yaraanta soo food saartay qaar ka mid ah deegaanada iyo gobollada dalka ay kasoo jawaabeen, isla markaana ay bilaabeen qaybinta biyaha.

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Baro-kacayaasha Somaliland Md. Cabdikariim Axmed Maxamud (Xinif) oo saxaafadda la hadlay, ayaa sheegay in ay biyo gaadhsiyeen qoysas tiradoodu dhan tahay toban kun, boqol iyo konton (10,150 qoys), kuwaasoo ku nool deegaano ka mid ah gobollada Saraar, Sool, Sanaag, Togdheer iyo Saaxil gaar ahaan dadka ku jira kaamamka baro-kacayaasha ee ku yaal gobolladaas.

“Waxa aannu Hay’addaha isla eegnay dhulka ugu daran ee ay biyo la’aantu hadda ka jirto, siiba dhulka baro-kacayaasha ah oo aannu doonayno in ay gaadhsiiyaan inta aan la gaadhsiin, waxaanna jira booyadu tiradoodu gaadhayso saddex boqol iyo siddeed (308 booyadood) oo loogu talogalay inay biyaha gaadhsiiyaan dadka aannu ugu talogalnay ee ay biyo la’aantu saamaysay oo lagu qiyaaso inay yihiin toban kun, boqol iyo konton qoys (10,150 qoys) oo ku nool degaannada laga dhisay kaamamka baro-kacayaasha ah,” ayuu yidhi Guddoomiyuhu.

Waxa kaloo uu ku baaqay in hay’adaha kala duwan ee doonaya inay gurmadka biyo-dhaamiska ah ka qaybgalaan ay iska soo xaadiriyaan Xarunta Hay’adda Baro-kacayaasha iyo Qaxootiga Somaliland ee Caasimadda Hargeysa.

“Waxa aannu ka codsanaynaa ama faraynaa Hay’addaha kala duwan iyo ciddii doonaysa in ay biyo qaybiso in ay yimaadaan xarunta Hay’adda Baro-kacayaasha iyo Qaxootiga, si aynu u wada qorshayno deegaanada la gaynayo oo aan aanay meelo hore biyo loo geeyey ugu celcelin, taasoo ujeedadeedu tahay in dadku wada helaan ama ka wada faa’iidaystaan gurmadka biyo-dhaaminta ah,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Baro-kacayaasha Somaliland.

Waxa kaloo uu ka hadlay kulankii ay isugu yeedheen Hay’adaha kala duwan iyo jawaabtii kaga soo noqotay, waxaannu yidhi; “Waxa jiray in markii ay taariikhdu ahayd 2 February 2019 in aannu halkan isugu yeedhnay Hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa waddanniga ahba, muddo kadibna aannu isugu yeedhnay Hay’adaha Qarammada Midoobay ee jooga waddanka Somaliland, waxaanan kala hadlaynay biyo la’aan soo food-saartay dadka baro-kacayaasha ah ee reer Somaliland, kuna baro-kacay waddanka gudihiisa, taasoo ay la qabaan dadkii ay markii hore la noolaayeen ee ay biyaha la cabbi jireen, laakiin anaga masuuliyadda gaarka noo saaran waa dadka baro-kacayaasha ah, qaxootiga ah iyo wixii kale ee la midka ah.”

“Waxa jawaab na soo siiyey oo aan halkan uga mahadnaqayaa shan hay’adood oo isugu jira qaar caalami ah iyo qaar waddani ahba, kuwaasoo runtii ku yaboohay marka la isku daro gaadiidka biyaha dhaamiya oo tiradoodu gaadhayso 308 booyadood oo qaarkood ay haddaba bilaabeen biyo-qaybintii. Hay’adda la yidhaahdo ARC (American Refugee Council) oo ugu horaysay waxay ku baaqday 50 booqayood, Hay’adda NRC (Norwegian Refugee Council) waxay ku baaqday 150 booyadood, Hay’adda Caalamiga ah ee Care International waxay bixinaysaa 108 booyadood, Hay’adda Maxalliga ah ee CCPRS oo iyaduna bixisay lacag dhan $5,000 (shan kun oo doollar) oo kaash ah,” ayuu yidhi Guddoomiye Xinif.

Waxa kaloo uu Guddoomiyuhu ka hadlay qaabka loo qaybiyey booyadaha biyaha ee ay Hay’adaha kala duwan ku deeqeen, waxaannu yidhi; “Booyadaha tiradoodu tahay 108-da ee ay bixisay Hay’adda Care International waxa aannu ugu talogalnay oo aannu u qaybinay, hawshiina hadda socotaa 54 booyadood oo ay ugu talogashay dadka baro-kacayaasha ah ee degan Degmada Caynabo ee Gobolka Saraar, halkaas oo ay ku nool yihiin baro-kacayaal aad u fara badan, waxayna hawsha biyo-qaybinta ah soconaysaa oo ay gacanta ku haynayaan muddo lix toddobaad ah, halka sidoo kale baro-kacayaasha ku nool degaanka Timoolay ee Gobolka Sool waxay Hay’adda Care International biyaha ugu dhaaminaysaa 18 booyadood, degaanka Dhagax-iska-rog ee isla Gobolka Sool waxa iyagana loogu talogalay 18 booyadood iyo Maraaray ee Gobolka Sool ah oo 18 booyadood loogu talogalay, markaa 108-da booyadood ee ay bixisay Hay’adda Care International sidaas ayaa loo qaybiyey.”

Waxa kaloo uu sheegay in 150-ka booyadood ee ay bixsay Hay’adda NRC loo qorsheeyey in loo kala qaybiyo 35 booyadood oo loo qoondeeyey degaanka degaanka Darar-weyne ee Gobolka Sanaag, degaanka Ceel-afweyn oo loogu talogalay 20 booyadood iyo 25 booyadood oo loo gaynayo degaanka Gar-adag, kuwaasoo uu xusay in dhammaantoodba ay hadda ka socoto biyo-qaybintu.

HargeisaPress.com/Hargaysa Office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here