Dowladda Mareykanka oo bilowday wadahadalo ku wajahan Aqoonsiga Somaliland

0
1615

Washington (Hargeisa Press)- Wargeyska The Financial Times, ayaa waxaa uu sheegay in sarkaal Mareykan ahi u sheegay in ay bilaabmeen wadahadallo ku wajahan suurtogalnimada in Mareykanku aqoonsanayo Madaxbannaanida Somaliland.

Warsidaha The Financial Times wuxuu intaas ku daray in masuulkaa ka tirsan dawladda Washington uu u xaqiijiyay in Mareykanku doonayo inuu aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland uu kaga beddesho in saldhig millateri laga siiyo magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil.

Warku wuxuu intaas ku daray in masuulkaas laga soo xigtay inuu caddeeyay in Mareykanku uu wadahadal la bilaabay madaxweynaha Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cirro oo uu kala hadlay hindisaha ictiraafka Somaliland ee la doonayo in Mareykanku kaga beddesho Somaliland saldhig millateri oo uu ka samaysto magaalo xeebeeda Berbera.

Wuxuu warku intaas ku daray in wadahadallada ay sidoo kale xuddun u noqon doonto in Mareykanku kala hadlo Somaliland inay qayb ka noqoto dalal ku yaalla bariga Afrika oo uu danaynayo in la soo dejiyo laba milyan oo qof oo Falastiiniyiin ah oo la damacsan yahay in laga daad gureeyo magaalada Qasa.

Geesta kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Daahir Aadan, ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in aanay jirin cid Somaliland kala hadashay qorshaha Maraykanku ku doonayo inuu falastiiniyiinta ku dhaqan magaalada Qasa la dejiyo qeyb ahaan Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here