Dowladda Jabuuti oo sheegtay in Baanka Adduunku bedelayo warbixintii dekedaha caalamka

0
6839
Dekedda Jabuuti

Djibouti (Hargeisa Press)- Dowlada Jabuuti, ayaa sheegtay ina Bankiga Adduunka uu raalli gelin ka bixiyey, warbixintii sanadkii hore ee 2023 uu Baanka Adduunka ka sameeyay dakadaha caalamka.

Warbixintaasi, ayaa kaalinta ay Jabuti ka gashay aad uga hooseysa tii sannadki 2022-kii.

Dakadaha Jabuti, ayaa sannadki 2022-ki liiska dakadaha ugu horumarkan caalamka ka galay kaalinta 26-aad, halka warbixinta sannadkan ay muujisay in Jabuti ay ka gashay booska 379-aad.

Wefti ka socda Baanka Adduunka oo kulamo kala duwan la qaatay madaxda dowladda Jabuuti iyo maamulka dekeddaha, iyadoona kulamadaasi lagu soo bandhigay qaabka ay u shaqeeyaan boodhadhka dakadaha Jabuti.

Weftiga baanka addunka, ayaa sheegay in ay dowladda Jabuuti ka raali gelinayaan warbixintii uu baanku soo saaray.

Waxaanay sheegeen in bedeli doonaan warbixintii baanku addunku ka sameeyay dekedaha caalamka ee ay Jabuti geliyeen booska 379-aad, taasi oo ay warbixinta dambe ay Jabuuti si weyn uga cadhootay.

Wasiirka Maaliyadda Jabuuti Ilyaas Muuse Dawaale oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin in baanka adduunku uu xaqiiqada ogaaday iyo halka ay waxka qaldameen.

Wasiirka, ayaa sidoo kale ka hadlay sababta uu baanka addunku Jabuuti ugu aqoonsaday sannadkii tagay ay shaqada dekedda Jabuuti ay aad u hoosayso.

Waxaanu tilmaamay in Qaramada Midoobay ay Jabuuti hore uga codsatay in maraakiibta tegaya Yemen lagu baadho Jabuuti inta aanay gaadhin Yemen, si loo hubiyo waxyaabaha ay sidaan, taas oo laga baadhayo in ay sidaan hub iyo waxyaalo kale.

Wasiirka maaliyadda Jabuuti Ilyaas Muuse Dawaale, ayaa waxaa kale oo uu sheegay in Baanka Adduunku uu dowladda Jabuuti u balan qaaday inuu warbxinta dambe ee uu soo saari doono ku sixi doono arrintan.

Sidoo kale,  wasiirka, ayaa wuxuu tilmaamay in baanka addunku uu warqad qoraal ah ka soo saari doono arrinta khusaysa Yemen ee Jabuuti lagu xisaabiyay.

Sida lagu sheegay warbixin uu soo saaray Baanka Adduunku, Dekedda Caalamiga ah ee Berbera, ayaa kaalinta koowaad ka cidhiidhsatay, Dekedda Jabuuti, oo hore u haysatay, taas oo keentay in sannadihii u dambeeyay hoos u dhac weyn ku yimi.

Sidoo kale, Dekedda Berbera, ayaa kaalinta 103-aad kaga jirta 405 dekeddood oo ku kala yaala Adduunka, halka ay Dekedda Jabuuti ka gashay darajada 379.

Hase-yeeshee dowladda Jabuuti, ayaa hore uga cadhootay warbixinta uu Baanka Adduunka ka sameeyay dakadaha caalamka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here