Dowladda Ingiriiska oo Somaliland Kala Hadashay Ammaanka Baddaha

0
1736

Hargeysa (Hargeisa Press)- Taliyaha guud ee Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland Admiral Axmed Hure Haariye, ayaa waxaa uu maanta xafiiskiisa ku qaabilay saraakiil sar sare oo ka socday dalka Ingriiska.

Saraakiishan, ayaa ka tirsan Xafiisyada Difaaca UK iyo Madaxa Nabadgalalyada xafiiska Ingiriiska ee Hargeysa.

Kulankan, ayay labada dhinac kaga wada hadleen xoojinta xidhiidhka nabadgalyada laba dal ee Somaliland iyo Ingiriiska, gaar ahaana dhinaca amaanka badaha iyo wada-shaqaynta labada dal.

Waxa kale oo ay isla soo qaadeen la dagaalanka argagixisada, budhcad badeeda iyo danbiyada badaha ka gudba iyo waxkasta oo khatar ku ah dhinaca amaanka badaha Somaliland iyo guud ahaanba Geeska Afrika.

Labadan xubnood, ayaa kala ahaa Mr James Edward oo ka tirsan Wasaarada Difaaca Ingiriiska iyo Camilla Landberg madaxa nabadglyada ee xafiiska UK Hargeysa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here