HargeisaPress — Xoghyaha dhaqaalaha UK George Osborne ayaa horaantii isbuucan soo bandhigay miisaaniyadii ugu horeysay ilaa muddo 18 sanno ah oo ay dajiyaan xisbiga muxaafidka ah (The conservatives) oo cod aqlabiyad leh ku guuleystay doorashadii bishii May ka dhacday UK. Haddaba Miisaniyaddan oo ah middii ugu horeysay ku dhawaad 20 sanno ee Xisbiga muxaafidka ah ay keligood soo saraan waxaa ku jira arrimo badan oo saameyn toos ah ku yeelanaya baddi Qoysaska, ardayda iyo dadka da’da ah ee qowmiyadaha laga tirada badan yahay, Soomaaliddana ay ka midka tahay.
Ka hor inta aanay soo bixin miisaaniyadda ayaa 300 kun oo qof ay saxiixeen baaq ay u direen dowladda kaas oo ku adanaa inaysan jarin dhaqaalaha lagu kabo caruurta iyo qoysaska danyarta ah inkastoo baqaas aanu meel marin oo ay dowladu go’aankeena hore ugu socotay. Miisaaniyaddani la soo saaray ayaa si weyn u saamayn doonta Soomaalida ku nool UK, haddaba waxaan soo eegi doona qodobadda ugu weyn ee saamaynaya dakhliga dhaqaale ee qoysaska Soomaalida ee UK ku nool., waxaanan diiradda saari donaa isbedelladda Soomaalida saamaynta ku leh ee miisaaniyadda ku jira iyo kuwa naruuradda u ah intaba
Misaaniyadda Deg Dega ah.
Sharciga ingiriiska ayaa u fasaxaya marka dawladd cusubi xilka qabato in ay samayso misaaniyad deg deg ah iyadoo miisaaniyaddii tan ka horaysay la soo saaray isla sannadkan uun April, balse miisaaniyaddaasi ma ahayn mid xisbiga Conservativeku kelidii sameeyey, hadda oo ay dawladda kelidood dhiseen waxay goosteen inay sameeyaan miisaaniyad ay ka muuqdaan ballan qaadyadii dhaqaale ee ay sameeyeen markii ay ololaha ku jireen.
Isbedeladda xooga leh ee misaaniyadda ka muuqda
Markii lagu jiray ololahii doorashada ee dhawaan xisbiga muxaafidku ay ku guulaysteen , waxay xisbigaasi ee uu hogaamiyo David Cameroon isla markaana xoghayaha dhaqaalaha ka yahay George Osbourne ay ballan qaadeen in lacag dhan 12 Bilyan oo Giniga ingiriiska ah ay ka jarayaan lacagta lagu taakuleeyo dadka dakhligoodu yaryahay si loo dhimo kharashaadka dawladda oo ay dowladdu sheegtay inay tahay in la dhimo, talabadaas oo machadka darasaadka maaliyadda UK( institute for fiscal studies) ay ku tilamameen inay fakhri iyo dhaqaale xumo u horseedi doonto ilaa 13 milyan oo qof oo UK ku nool. Machadka ayaa sheegay in Qoysaska dhaqaalaha liita oo Soomaalidduna ay u badantahay ay waayi donaan isku celcelin ilaa iyo £1200 (kun iyo laba boqol oo Pound) sanadkii halka dadka tujaarta ah ay waayi donaan celcelis ilaa £400 (afar boqol oo pound)
Isbedeladda miisaaniyadeed iyo meelaha ay dowlagu beegsatay
– Markii ugu horeysay dhaqaalaha lagu caawin jiray caruurta ayay dowladdu ku soo koobi doontaa oo kelliya labadda caruur ee ugu horeysa ee qosys walba si kasta oo qoys walba caruurtiisa ay u badantahay, sharcigan ayaa dhaqan gali doona marka la gaadho sanadka 2017 bisha April taas oo macnaheedu uu yahay qoyskii ay ilmo saddexaad u dhashaan wixii ka dambeeya sanadka 2017 kuma heli donaan kharashkii dowladu ay siin jirtay ee loo yaqaano (Working tax credit) Waxuu go’aankani ka dhiganyahay in hadda wixii ka dambeeya tageeradda caruurta ay siiso dowladda UK ay ku kobnaan doonto laba caruur qoyskiiba. Talaabadan ay ku waayi donaan £2.780 (Laba kun Toddobo boqol iyo sideetan) ilmaha seddexaad sanadkiiba.
– Dhalinyarada ay da’doodu u dhexayso 18-21 jir waa inay shaqo tagaan ama wax bartaan, taasi mac-naheedu waxay tahay marnaba looma ogola in fadhiga lagu siiyo lacagta gunnada gargaarka ama caydha loo yaqaano.
– Laga Bilaabo Bisha April 2017 dawladdu waxaa keliya oo ay siinaysa taageero caruurta loo hayo qoysaska shaqaysta wixii ka badan 30 saacadood, taasi macnaheedu waxay tahay, haddii aanad shaqaynin, caruurtaada la siin maayo lacagta lagaga bixinayo goobaha caruurta da’da iskuulka ka yar lagu hayo.
-Dowladda UK waxay miisaaniyaddan ku sheegtay in dawladdu yaraysay lacagta caydha ama gargaarka ee la siiyo qoysaska aan shaqaynin, qoyska aan shaqayn waxaa lacagta la siinayo lagu soo koobay £23000 sannadkii inta degan magaalada London, lacagtan ayaa isugu jirta kiradda, lacagta caydha ee caruurta la siiyo iyo dhammaan wax kasta oo tageera ah oo ay dowladiisu siiso qoyskiiba marka la isku darro kama badnaan karto 23000 pound sannadkii degaanadda London ka baxsana waxaa lagu soo koobay soo koobay 20,000 (Labaatan kun oo pound sannadkiiba)
– Lacagta gunnada ah ee lagu taageeri jiray ardayda dhigata jaamacadaha ee loo yaqaanay (University Student Grant) wixii ka bilaabma sannadka soo socda 2016 ka waxay lacagtaasi isku bedeli doonta dayn, halka ay markii hore ka ahayd lacag bilaash ah oo la siin jiray ardayda ka soo jeeda qoysaska dakhligoodu yaryahay ama dan yarta ah.
-Dadka taagta daran ama xanuusan lacagta la siiyo oo 30 Ginni ka badnaan jirtay lacagta ay qaataan dadka aan shaqeynin ayaa misaaniyadda cusub ay dhigeysaa inay waayi donaan lacagtaasi dheeriga ah isla markaasna ay dadka aan shaqeynin iyo kuwa taagta daran isku lacag qaadan donaan, go’aankaas oo sameyn donaa 0ilaa ku dhawaad Nus malyan qof.
Dhinaca Wanaagsan ee Misaaniyadda
Dadka shaqeeya wixii ka bilaabma 2016 ka lacagta ugu yar ee qof shaqeeya saacaddii qaadanayo waxay noqonaysa £7.69 pound, (Toddobo Gini iyo lixdan iyo sagaal) halka ay hadda ka tahay £6.50 pound, Lix ginni iyo bar) sannadka 2020 ka marka la gaadhana waxay saacaddii ugu yaraan wuxuu qofku qaadanaya 9 pound ( sagaal ginni) oo noqoneysa lacagta ugu yar ee qof ku shaqeyn karo sidoo kale dawladdu waxay joojisay in cashuur laga qaado lacagta taageerada ah ama soomaalidu caydha u taqaano ee la siiyo dadka aan itaalka lahayn oo markii hore la cashuuri jiray.
Misaaniyaddan oo ah middii ugu isbeddelo balaarneyd ilaa iyo muddo 20 sanno ah ayaa imaneysa xilli dhaqaalaha wadanka UK uu sare u soo kacayo balse ay dowaladu sheegtay in loo baahanyahay in la qaado talaabooyin adag si looga badbaado dhaqaale xummida taabatay dalal badan oo Yurub ka mid ah, Giriiguna uu ka mid yahay.