Dood Kulul oo Lagu Faaqidayo Ururka ‘MARKALE MIDNIMO’ oo Dhex-martay Maxamed Baashe iyo Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan

0
2558

Hargeisa (Hargeisa Presss)- Dood xaasaasiya ayaa waxa ay dhexmartay Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan oo ah xildhibaan ka tirsan Baarlamanka Soomaaliya, kana soo jeeda Somaliland iyo Aqoonyahan Maxamed Baashe Xaaji Xasan oo dhawaan magaalada London kaga dhawaaqay urur la magacbaxay Markale Midnimo oo doonaya inay dib u mideeyaan Muqdisho iyo Hargeysa.

Aqoonyahan Maxamed Baashe ayaa Ururkan markale midnimo ujeedkiisa ku sheegay in uu yahay feker iyo aragti abuur midnimo ku salaysan, isagonaa sheegay in xubno badan oo ka tirsan dhaqdhaqaaqooda ay ka shaqeeyaan magaalooyin badan oo Somaliland iyo Soomaaliya ah.

Doodan oo Telefiishanka Universal u qabtay Aqoonyahan Maxamed Baashe iyo Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan ayaa lagu faaqidayaa baahida loo qabo ururka Markale Midnimo iyo halka uu ka yimi.

Hoos ka daawo muuqaalka dooda

Hargeisa Press Desk/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here