Boob Ka Dhan Ah Ajaanibka Oo Ka Dhacay Koonfur Afrika

0
594

Johannesburg (Hargeisa Press.com): Waxaa magaalooyin badan oo dalka Koonfurta Afrika ah ka soconaya dhibaatooyin isugu jira dhac, dil iyo boob loo gaysanayo hantidda dadka ajaanibka ah ee koonfur Afrika ku nool oo ay Soomaaliduna ku jiraan.

Waa maalintii saddexaad oo xidhiidh ah oo ay weeraradda lagu beegsanayo ajaanibka ka dhacayaan magaalooyinka dalka South Afrika.

Gebi ahaanba goobaha ganacsiga ayaa xidhan maanta kadib mawjado weeraro ah oo saddexdii maalmood ee u danbeeyay ka soconaya magaalooyinka dalka Koonfur Afrika oo lala beegsanayo dadka ajaanibka ah.

Iyadoo wel wel laga qabo  dhibaatooyin kale in ay dhacaan iyo cabsi fara badan oo soo waajahday dadyowga ajaanibka ah. ilaa hadda lama sheegin tiradda dadka weeraradaas lagu dilay iyo kuwa dhaawaca ah.

Waxaana lagu soo waramayaa in jaaliyadahaganacsatadda aan u dhalan Koonfur Afrika ay shirar ka yeelanayaan, kuwaasoo ay kaga arrinsanayaan  dhibaatooyinka loo gaysanayo hantidoodda iyo nafahoodaba.

Magaaladda Johannesburg, ayaa laga dareemayaa in ciidamo fara badan la geeyay si ay amaanka u ilaaliyaan.

Caamir Sheekh Xuseen, oo ah guddoomiyaha jaaliyadda Soomaalida ee dalka Koonfurta Afrika ayaa sheegay in dhibaatadda saddexdii maalmood ee u danbeeyay ka taagan wadankaasi ay sababtay in ay ganacsiyadoodii xidhaan.

Waxaanu tilmaamay Caamir Sheekh Xuseen, in cabsi fara badan ay ka jirto meelaha ay ku sugan yihiin dadka Soomaalida ah.

“Xaaladda guud ee dalka Koonfur Afrika marka la eego xaaladda dadka laajiyiintu ku sugan yihiin bishii la soo dhaafayba waxay ahayd mid cakiran. Laakiin, waxay ka sii dartay saddexdii maalmood ee la soo dhaafay.

Wakhtigan imika la joogo goobaha ay ay Soomaalidu ku sugan yihiin ayay ka jirtaa cabsi fara badan. Tan iyo shalay lama furin goobaha ganacsiga”ayuu yidhi guddoomiyaha jaaliyadda Soomaalida ee wadanka Koonfurta Afrika oo maanta u waramay BBC.

Guddoomiyaha jaaliyadda Soomaalida ee dalka Koonfurta Afrika waxa kaloo uu ka hadlay waxa sababay cabsida soo waajahday iyo in ay xidhaan meheradahoogii ganacsiga.

Waxaanu yidhi “Waxaa jira go’aamo ka soo baxay dad isa soo abaabulay oo South Afrikaan ah, oo sheegay in ay ka xun yihiin hab dhaqanka dad laajiyiintu ula dhaqmeen ciidamadda booliska, xili hadda laga joogo bil ka hor”.

Sidoo kale  Caamir Sheekh Xuseen, waxa uu sheegay in dhibaatadda ka taagan dalka Koonfur Afrika aanay ahayn mid Soomaalida u gaara, balse ay la qabaan dadka kale ee ajaanibka ah.

Isagoo xusay in weerarada maalmahan ka dhacayay Koonfur Afrika ee lagu beegsanayay ajaanibka ay ka duwan yihiin kuwii hore wadankaasi uga dhici jiray, isla markaana hadda la isugu soo galay goobihii la deganaa.

“Dhibaatadani ma aha mid Soomaalida u gaara, balse waa mid wada saamaysay ajaanibka. Weeraradani way ka duwan yihiin kuwii hore uga dhici jirtay goobaha ganacsiga ee xaafadaha isku raranta ah.

Imika waxaa la isugu soo galay goobihii aanu deganayn ee faras-magaalaha, ee caasimadii ay dawladu joogtay. Waxaanu imika ku jirnaa kulan ay jaaliyadda Soomaalidu kaga arrinsanayso dhibaatadan cusub ee na soo waajahday” ayuu yidhi Caamir Sheekh Xuseen.

Geesta kale  madaxweynaha dalka Koonfurta Afrika Cyril Ramaphosa, ayaa canbaareeyay weeraradda ajaanib nacaybka ah ee loo gaysanayo dad aan u dhalan dalkaasi ee ka ganacsadda.

Madaxweyne Ramaphosa, ayaa sheegay in uu canbaaraynayo weeraradda ka dhanka ah dad shisheeyaha ah ee lala beegsanayo hantidoodda iyo meelaha ay ku badan yihiin maalmihii la soo dhaafay.

Hadalka madaxweynaha ayaa muujinaya in dawladda Koonfurta Afrika ay si dhaw isha ugu hayso ulana socoto waxyaabaha ka dhacaya wadankoodda.

Sidoo kale wasiirka booliska u qaabilsan koonfur Afrika ayaa maanta  la kulmay hogaamiyeyaasha jaaliyadaha ajaanibka ah ee ku nool Koonfurta Afrika, kuwaasoo uu kala hadlayo sidii looga bad-baadin lahaa qalalaasaha lagu dhacayo hantidoodda laguna dilayo.

Dhinaca kale dawladaha ay dadkoodu ku ganacsadaan Koonfurta Afrika ayaa ka hadlay dhacdooyinkan saddexdii maalmood ee u danbeeyay ka dhacayay wadankaasi.

Dawladda Nigeria,  oo ay dad aad u badan ka joogaan Koonfur Afrika waxay u yeedhay safiirkoodda ka joogay Johns Berg, iyadoo wax laga waydiinayo weeraradda ka dhacay dalkaasi ee lagu beegsanayo dadka shisheeyaha ah.

Wasaaradda arrimaha dibadda Nigeria waxay sheegtay in ay doonayso in ay u gudbiso masuuliyiinta Koonfur Afrika qorshe  boolis ay ugu dirayso dalkaasi, si ay u ilaaliyaan dadka ajaanibka ah gaar ahaana kuwa Nigerian-ka ah ee  ku sugan Koonfur Afrika.

Madaxweynaha Nigeria ayaa la sheegay in uu ergay gaar u dirayo Koonfur Afrika kaasoo tegi doona Khamiista soo socota.

Dawladda Kenya, ayaa iyadna arrintan ka hadashay waxaanay sheegtay in dadkeedda la ilaaliyo si aanay  dhibaato u soo gaadhin hantidoodda.

Sidoo kale dawladda Itoobiya ayaa arrintan ka  hadashay, waxaanay ka dalbatay dadkeedda ganacsatadda ah ee Koonfur Afrika Jooga in ay isla socdaan oo ay iska ilaaliyaan weeraradda.

Dawladda Zambia ayaa iyadna waxay uga digtay dadka dirawaliinta ka ah gawaadhiga waaweyn ee xamuulka qaadda in ay iska ilaaliyaan in ay tagaan Koonfur Afrika ilaa inta xaaladu hagaagayso.

South Afrika waxaa ku nool Soomaali badan oo ganacsato ah, hase yeeshee dawladda Soomaaliya ayaan weli ka hadal dhacdooyinkan cusub ee maalmahan ka taagan dalka Koonfurta Afrika.

By: Khadar Cabdi Muuse

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here