Dib u Milicsiga Taariikhda Dahabiga ah ee Madaxweyne Axmed Siilaanyo W/Q : Ayaan axmed

0
953

Madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland mud, axmed maxamed maxamuud siilaanyo oo ah hormoodka shacabka somaliland uu ku faano guda iyo dibadba, noloshiisa waxa uu ku qaatay inteeda badan hogaan u madeed, laga soo bilaabo  tan iyo wakhtigii uu soo dhamaystay waxbarashada heerka jaamacadeed,

Axmed Maxamed Maxamuud oo ku magac dheer Siilaanyo wuxuu ku dhashay Degmada dheryaley ee gobolka Togdheer

Waxbarashadiisii dugsiyada Hoose .Dhexe. ilaa dugsiga sare wuxuu ku dhammaystay Dugsiyadii Sheekh iyo Cammuud mudadii u dhaxeysay 1946kii ilaa iyo 1960kii.

1960kii ilaa iyo 1965kii wuxuu Axmed Siilaanyo ku jiray jaamicadda Magaalada Manchester ee dalka Britain, halkaasoo uu ku qaatay shahaadooyinka Bachelar degree iyo Master ee cilmiga dhaqaalaha.

Intii u dhaxaysay 1965kii ilaa Oktoober 1969kii, wuxuu Axmed Siilaanyo ahaa sarkaal sare oo ka soo shaqeeyay Wasaaraddii maaliyada ee dawladdii Soomaaliya ee rayidka ahayd, isagoo gaadhay darejada Agaasime Guud.

Markii militerigu taladii dalkii Soomaaliya afgambi kula wareegeen 21kii Oktoober 1969kii, waxaa Axmed Siilaanyo loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta. Muddo kadib waxaa laga dhigay Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Guddoomiyaha Guddiga dhaqaalaha qaranka ilaa 1982kii oo uu ka goostay dawladdii kacaanka.

1982kii, oo uu Axmed Siilaanyo tegay London wuxuu markiiba ku biiray jabhaddii dhaqdhaqaaqa waddaniga soomaaliyeed ee SNM , isagoo noqday wakiilka xafiiskii SNM ee London.

Muddadii u dhexeysay 1984 ilaa iyo 1990, wuxuu Axmed Siilaanyo ahaa guddoomiyaha ururka SNM. 18 May 1991kii shirweynihii Magaalada Burco ee beelaha Somaliland iyo ururkii SNM kaga dhawaaqeen goonni isutaaga Somaliland wuxuu Axmed Siilaanyo ka mid ahaa hogaamiyayaashii hormoodka ka ahaa nabadeynta iyo heshiisiinta beelaha Somaliland wada dega.

Axmed siilaanyo wuxuu xubin ka noqday baarlamaanka Somaliland 1993kii ilaa 1997kii. 1997kii ilaa sannaddii 2000 dawladdii Somaliland ee Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, wuxuu Axmed Siilaanyo ka soo qabtay jagooyinka wasiirka wasaaradda Maaliyadda iyo wasiirka wasaaradda Qorsheynta, isagoo markii danbe iskii isu casilay.

Sannadkii 2002, wuxuu ku dhawaaqay Xisbiga  KULMIYE oo uu guddoomiyena ka noqday. Doorashadii Madaxtooyada Somaliland ee April 2003, tartankii Madaxweynaha waxaa Axmed Siilaanyo iyo ku xigeenkiisii Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax lagaga helay 80 Cod, taasoo ay aqbaleen.

Mar kale ayaa Xisbiga KULMIYE, uu u soo Sharraxay Axmed Siilaanyo tartanka doorashada madaxtooyada Somaliland ee 2010kii, isagoo madaxweyne ku xigeenna u sharaxeen Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil, oo loo yaqaanno Zeylici.

Doorashadaasina waxa ay ka soo hoyeen guul aad u wanaagsan oo la mahadiyey

Axmed siilaanyo wuxuu leeyahay 5 caruur ahoo kala ah saddex wiil iyo laba gabdhood, oo ay u dhashay xaaskiisa Aamina-weris Sheekh Maxamed Jirdde.

 

W/Q : Ayaan axmed

Email : axlaanayaan@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here