Hargeysa (Hargeisa Press)- Si badheedh iyo istaraatijiyad ah oo dhaqanka ka baxay, Madaxweynaha cusub ee Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro, waxa uu dalka isu-tagga Imaaraadka Carabta (UAE) u doortay inuu u ambabaxo safarkiisa ugu horreeya ee dibadda. Go’aankan, isaga oo ka duulaya meelaha ugu horreeya ee lagu tago Itoobiya ama Jabuuti, waxa uu muujinayaa dib-u-habaynta siyaasadda arrimaha dibadda ee Somaliland, taas oo ka tarjumaysa faham qoto dheer oo ku saabsan xaqiiqada juqraafiyeed iyo dhaqaale ee qaabaynaysa Geeska Afrika.
Imaaraadku maaha xulufo keliya ee waa tiir-dhexaadka himilooyinka dhaqaale ee Somaliland. Maalgelinta 442 milyan ee DP World ku samaynayso dekedda Berbera ayaa wax ka beddeshay dhaqaalaha Somaliland. Iyadoo markii hore ahayd deked dhexdhexaad ah ayaa hadda u adeegta marin ganacsi oo muhiim ah oo isku xidha Geeska Afrika iyo suuqyada caalamka, gaar ahaan Bariga Dhexe iyo Aasiya. Go’aanka uu Madaxweyne Ciro ku qaatay Imaaraadka Carabta horaantiisii mudadii uu xilka hayay waxa ay hoosta ka xariiqday muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo iskaashigan.
Saamaynta dhaqaale ee Imaaraadku waxa ay dhaafsiisan tahay dekedda. Imaaraadku maal-gelintiisa xagga kaabayaasha dhaqaalaha, marinnada ganacsiga, iyo mashaariicda horumarineed ee suurtogalka ah sida goobaha xorta ah iyo qaybaha tamarta, Imaaraadku waxa uu isu dhigay in uu yahay hormuudka kobaca dhaqaalaha Somaliland.
Madaxweyne Ciro oo mudnaan siiya booqashada Imaaraadka, kaliya kuma eka xoojinta iskaashiga jira, balse waxa uu sidoo kale u muujinayaa maalgashadayaasha kale in Somaliland u furan tahay ganacsi.
Talaabadan, ayaa u gogol xaadhi karta maalgashi kala duwan, kor u qaadida waaxaha sida beeraha, wax soo saarka, iyo tamarta dib loo cusboonaysiin karo.
Juquraafi ahaan Somaliland ee ku teedsan gacanka cadmeed waxa ay ka dhigaysaa xudunta mid ka mid ah marin biyoodyada ugu istiraatijisan adduunka. Imaaraadku waxa uu muddo dheer aqoonsaday qiimaha Somaliland ku leedahay ilaalinta amniga gobolka, gaar ahaan la-dagaalanka budhcad-badeedda, argagixisada, iyo tahriibinta hubka. Booqashada Madaxweyne Ciro ee Imaaraadka waxa loo arki karaa mid muujinaysa sida ay Somaliland uga go’an tahay inay noqoto saaxiib la isku halayn karo oo la xidhiidha sugidda amniga badda ee gobolka.
Sidoo kale, saamaynta Imaaraadku ku leeyahay amniga gobolka iyo joogitaankooda millatari ee goobaha istaraatiijiga ah, oo ay ku jiraan adeegsiga tas-hiilaadka dekedda Berbera, waxay la jaan qaadayaan himilada Somaliland ee ah in loo aqoonsado ciidamada xasilinta Geeska Afrika.
Xoojinta xidhiidhka imaaraadku waxa kale oo ay Somaliland albaabada u furi kartaa in ay ku lug yeelato qorshayaal amni oo balaadhan, taas oo kor u qaadi karta mawqifkeeda daneeyayaasha caalamiga ah oo ay ku jiraan Mareykanka iyo Midowga Yurub.
Si ka duwan sida Itoobiya iyo Jabuuti, oo xidhiidhkooda Somaliland uu ugu horrayn qaabeeyey isu-dhowaanshaha juqraafiyeed iyo xidhiidhka taariikheed, Imaaraadku waxa uu bixiyaa wax ka sii muhiimsan oo ah gaadhista caalamiga ah. Isku xidhka diblomaasiyadeed ee baaxadda leh ee Imaaraadku ku leeyahay hay’adaha caalamiga ah ayaa Somaliland siinaya waddo aan toos ahayn balse awood leh oo ay ugu dooddo aqoonsigeeda.
Xidhiidhka sii kordhaya ee Imaaraadku la leeyahay dalalka saamaynta ku leh, oo ay ku jiraan Mareykanka iyo Sucuudiga iyo doorka uu ku leeyahay ganacsiga iyo suuqyada tamarta adduunka ayaa ka dhigaya saaxiib qiimo leh oo Somaliland ku raadinayso sharciyad caalami ah.
Madaxweyne Ciro oo xidhiidh qoto dheer la yeelanaya Imaaraatka Carabta, ayaa si istiraatijiyad ah ula jaanqaadi doona Somaliland iyo qarankan awood iyo dhiirigelinba u leh inuu u ololeeyo aqoonsigiisa heer caalami.
Dadka dhaliila waxa laga yaabaa in ay ku doodaan in haddii laga gudbo Itoobiya iyo Jabuuti ay xumeyn karto xidhiidhka dalalka jaarka ah ee sida caadada ah saaxiibka dhow la ah Somaliland. Si kastaba ha ahaatee, doorashada Madaxweyne Ciro ayaa ka tarjumaysa aragti ballaadhan oo kala duwanaanshaha xulafada. Caqabadaha gudaha ee Itoobiya iyo ku tiirsanaanta culus ee Djibouti ee maalgashiga Shiinaha ayaa Imaaraadka iyo Taiwan ka dhigaya saaxiib aad u deggan oo saamayn ku leh himilooyinka dhow iyo kuwa fog ee Somaliland.
Midda kale, xidhiidhka Somaliland ee Imaaraadka ayaan meesha ka saarayn xidhiidhka adag ee Itoobiya iyo Jabuuti. Taa beddelkeeda, waxay muujinaysaa siyaasad dibadeed oo qaan-gaadh ah oo doonaysa inay isku dheelitirto iskaashiga gobolka iyo kan caalamiga ah. Isagoo ka duulaya Imaaraadka, Madaxweyne Ciro waxa uu dajinayaa hab firfircoon oo dhinacyo badan leh oo ku wajahan dublamaasiyadda, taas oo mudnaanta koowaad siinaysa kobaca dhaqaalaha iyo aqoonsiga caalamiga ah marka loo eego tilmaan-dhaqameedka, astaamaha.
Go’aanka Madaxweyne Ciro uu Imaaraadka kaga dhigay safarkiisii u horeeyay ee uu ku tago dalka dibadiisa waa mid ka badan tilmaan-tusaale ahaan—waa tallaabo la xisaabiyay oo ka tarjumaysa faham qoto dheer oo ku saabsan mudnaanta iyo kartida Somaliland. Iyadoo la xoojinayo xidhiidhka saaxiibka muhiimka ah ee dhaqaale iyo istiraatijiyadeed, Somaliland waxay isu dhigaysaa sidii waddan mustaqbalka fog leh oo diyaar u ah inay booskeeda ka qaadato masraxa caalamiga ah.
Doorashadan geesinimada leh waxay hoosta ka xarriiqaysaa sida ay Somaliland uga go’an tahay inay ka faa’iidaysato faa’iidooyinkeeda gaarka ah ee juqraafi iyo dhaqaale si ay u gaadho yoolkeeda ugu dambeeya: aqoonsiga caalamiga ah. Iyada oo dariiqa ina horyaala uu yahay mid adag, haddana dib-u-habaynta istiraatijiyadeed ee Madaxweyne Ciro ee isbahaysiga gobolku waxa laga yaabaa in ay noqoto meesha u rogmatay safarka Somaliland ee ku wajahan sharcinimada caalamka.
Prof. Nassir Hussein Kahin
Hargeisa, Somaliland