Laascaanood (HP): Waxaa maanta xadhiga laga jaray Godka Qashin qubka ee magaaladda Laascaanood.
Godkan qashin qubka Laascaanood oo bishii September ee sanadkan la dhagax dhigay waxaa maalgelisay xukuumadda Somaliland.
Dhamaystirka dhismaha godkani waxaa la faa’iodaysan doona bulshadda magaaladda Laascaanood.
Waxaana godkaasi si rasmiya xadhiga uga jaray maayarka Laascaanood C/casiis Xuseen Taarwale iyo badhasaabka gobolka Sool.
Godkani ayaa ka kooban ilaa saddex qaybood oo kala ah laba God oo loogu tallo galay qaybta Dareeraha ah ee qashinka.
Qaybta qaahinka Adkaha ah oo laba god ka kooban iyo dhismaha hooyga ay degayaan shaqaalaha ka hawl gelaya.
Daawo: Warkaasi:
Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.