“Somaliland aad iyo aad bay uga xun tahay dhibka ku dhacaya Falastiin”…

0
1465

Hargaysa (HP): Madaxweynaha Somaliland ayaa wadamadda beesha caalamka ugu baaqay in ay wax ka qabtaan gumaadka lagu hayo shacabka reer Falastiin.

Waxaanu si gaara ula hadlay wadamadda leh awoodda diidmadda qayaxan ee Veto in ay gacan ka gaystaan joojinta dhibaatadda lagu hayo Falastiin.

Muuse Biixi Cabdi, waxa uu sidan ka sheegay khudbadii uu ka jeediyay madaxtooyadda Somaliland ee lagu xusayay dabaal-dega 30-guuradda ka soo wareegtay gooni isku taaga Somaliland.

Madaxweyne Biixi, waxa uu sheegay in arrinta ka taagan Falastiin ay tahay mid aan loo adkaysan karin, isla markaana hiilka keliya ee ay Somaliland u qaban kartaa uu yahay in ay u duceeyaan.

Waxaanu tilmaamay in ay shacab ahaan iyo dawlad ahaanba garab taagan yihiin wax ka qabashadda dhibka ay Yuhuudu ku hayso bulshadda Falastiin.

Iyadoo ay labadii todobaad ee u danbeeyayna halkaasi ka taagnaayeen weeraro ay ciidamadda Yuhuudu ku dhibaataynayeen dadks reer Falastiin.

DAAWO:Madaxweyne Biixi Oo Arrimahaa Ka Hadlaya:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here