Dhaqdhaqaaqa uu Shiinuhu ka wado gobolku saamayn intee leeg buu ku leeyahay amniga Somaliland?

0
43

Inta aan ka ogahay siyaada Somaliland wali waxay u janjeedhaa dhinaca Maraykanka iyo Saaxiibkiisa Taiwan ee heshiiska la ah Somaliland, waxaana suurtogal ah inaan la dhayalsan karin qorshayaasha Shiinuhu ku wiiqi karo xidhiidhka Dublamaasiyadeed ee Somaliland iyo Taiwan.

Tan iyo intii Gobolka Sool dagaaladu ka dhaceen Shiinuhu wuxuu si toos ah ula saftay kooxda Khaatumo ee diidan Somaliland, waxaana ugu danbaysay mucaawinadii aan la garanayn waxay ahayd ee uu toddobaadkii hore soo gaadhsiiyey Laascaanood.

Shiinuhu waxa uu dedaal dheeraad ah ku bixiyey sidii uu Somaliland ula yeelan lahaa xidhiidh dublamaasiyadeed oo dhinacyo bada, hase yeeshee sida xogo badan oo soo baxay sheegayaan Madaxweyne Muuse Biixi wuu ka diiday inuu wax cilaaqaad ah la yeesho, halka Xisbiga Wadani markii uu Mucaaradka ahaa marar badan ku baaqay in shiinaha ay xidhiidh la samayn doonaan ama shiinaha òo lala heshiiyaa ka fiican tahay Maraykanka.

Doonista Shiinaha ee Somaliland waxay ku qaadatay inuu geed dheer iyo mid gaabanba usoo fuulo kuna dhex samaysto galaan gal farabadan isagoo isku soo shabahay shirkado ganacsi oo u badan dhinaca Macdanta.

Marka laga yimaado dhaqdhaqaaqyada Ganacsi ee uu shicibka Somaliland la leeyahay waxa soo baxaya dareeno muujinaya inuu saamayn ku leeyahay khalkhal galinta Amniga, gaar ahaan dhacdooyin la xidhiidha sheekada imika taagan ee lagu la’yahay gaadhi ay leedahay safaaradda Taiwan.

Ilo wareedyo muhiim ah ayaa ii sheegay in 2022 kii sidan oo kale ay u dhacday in la xaday gaadhi isla safaaradda Taiwan leedahay gudaha Hargeysa taasoo raadkeedii galay shaqaale Shiine ah oo u shaqaynayey shirkad Macdan baadhaysay oo uu lahaa wiilka Madaxweynihii hore ee Somaliland.

Gaadhigaasi waxa markii dambe lagu soo celiyey gacanta safaaraddii Taiwan illaa hada na lama oga talaabadii ay xukuumadii hore ka qaaday danbiilayaashìi lagu qabtay gaadhigaasi.

Xogo kale ayaa sheegaya in dhaqdhaqaaqyo kala duwan ay Shiinaha dalka ku sugan iyo dad ay adeegsanayeen ku kaceen walow aanay ku guulaysan wax fal ah, balse waxay u muuqdeen kuwo ahaa cabsi galin iyo inay tusaan saamaynta ay ku yeelan karaan inay waxyeelo u gaysan karaan safaaradda Taiwan.

Xadista gaadhigan ayaa soo saaraysa tuhino badan oo la xidhiidha dhacdooyinkaa hore maadaama ilaa hada ay hay’adaha Amniga Somaliland ku guda jiraan baadhista kiiskan oo si la mid ah kaas hore la tuhun san yahay in loo soo raacay adeegayaal ay safaarada Taìwan isticmaali jirtay iyo meheradihii ay ka adeegan jireen.

Maraykanka iyo Shiinaha ayaa si weyn ugu loolamaya Somaliland maadaama ay juquraafi ahaan muhiim u noqotay isu socodka dhaqaalaha Adduunka isla markaana ay istaraataji u tahay dhinaca Amnìga dunida.

Waxa Qoray Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here