Dhalinyarta Somaliland Oo Qaban Qaabinaysa Xus Baroordiiq Ah Oo Ay U Samaynayaan Dhalinyaradii Reer Somaliland Ee Ku Madhatay Badda Masar Iyo Xilliga Loo Mudeeyey

0
927

Hargeysa, (HargeisaPress) —Waxa guud ahaanba gobolada iyo degmooyinka dalka Somaliland ay dhalinyarada ku dhaqani ay ka wadaan qaban qaabada baroordiiq ay u samaynayaan dhalinyaradii aadka u tirada badnayaa ee ku nafwaayay badda u dhaxaysa dalalka Masar iyo Talyaaniga.

 

DHalinyarada kala duwan eek u nool caasimada hargeysa ayaa iyagu wada qorshaha xus baqoordiiq ah oo loo samaynayo dalinyaradaasi ku halakowday badda waxaana ay dhalinyaradu u mudeeyeen xuskaasi maalinta sabtida ee taariikhdu tahay 23-04-2016, iyada oo dhalinyaraduna ay baddu ku nafwaayeen oo la shaaciyay taariikhdu markay ahayd 17-04-2016.

1-128

Dhalinyaradan baroordiqadan samaynaysa ayaa ah dhalinyaro ay runtii aad u damaqday dhimashada dhalinyaraa faraha badan ee ah ubaxii dalka iyaga oona dhalinyarada ku waano iyo wacyigalinaya dhalinyarta inay ka waantobaan aafada tahriibta oo badiba galaafatay nafaha dhalinyaradii reer Somaliland.

 

Xuskan ayaa ah baqoordiiqdii ugu horeysay ee ay dhalinyarada reer Somaliland qaban qaabadeeda galaan isla markaana ay ku muujinayaan sida ay uga xun yihiin dhimashada dhalinyarada ku madhanaysa badaha, iyada oo iminka ku guda jirka bishan ay tiroba laba doonyood qarqoomeen inta la ogyahay oo ay ku dhinteen dhalinyaro soomaaliyeed.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here