Dekedda Berbera oo taariikhda markii ugu horreysay laga hirgeliyay qalab casriya

0
3922

Berbera (Hargeisa Press)- Dekedda caalamiga ah ee magaalada Berbera, ayaa waxaa maanta taariikhda markii ugu horreysay laga hirgeliyay qalab casri ah oo sahlaya adeegyada ay dekeddu qabato.

Qalabkan lagu soo kordhiyay dekedda Berbera, ayaa waxaa lagu ogaanayaa badeecadaha kontenarrada ku jira, kaasi oo markii ugu horaysay dekedda Berbera laga hirgaliyey.

Qalabkan oo ah mid casri ah, ayaa wuxuu sahli doonaa adeegyada ay qabato dekedda Berbera ka hor inta aanu kontenarku dekedda ka bixin, iyadoona lagu ogaanayo waxyaabaha ku jira kontenarrada.

Sidoo kale, qalabkan ayaa shaqada u fududeyn doona dekedda Berbera iyo Wasaaradda Maaliyadda, gaar ahaan waaxda kastamka.

Munaasibad xadhiga lagaga jarayay qalabkan oo lagu qabtay dekedda Berbera, ayaa waxaa ka qayb galay, Maamulka dekedda Berbera, madaxda shirkadda DP World, masuuliyiinta gobolka Saaxil iyo madaxda wasaaradda horumarinta Maaliyada.

Maareeyaha guud ee dekeddaha Somaliland Siciid Xasan Cabdillaahi oo ugu horayn munaasibada hadal ka jeediyay, ayaa ka waramay muhiimadda qalabka iyo waxyaabaha uu ku soo kordhin doono dekedda Berbera.

Qaar ka mid ah gaadiidleyda isticmaala dekedda Berbera ee kontenarrada ka qaada, ayaa iyaguna dhankooda soo dhaweeyay qalabkan, iyagoona sheegay in aanu wakhti badani kaga lumi doonin, isla-markaana si dhakhso ah ay badeecaduhu uga bixi doonaan dekedda.

Guddoomiyaha gobolka Saaxil Cali Cabdi Cabdilaahi (Cali Case), ayaa isaguna sheegay in qalabkani yahay mid fududeyn doona adeega ay dekedda Berbera qabato, isla-markaana lagu ogaan doono badeecadaha kala duwan ee dekedda ka soo degaya.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda horumarinta Maaliyada Somaliland Maxamed Xuseen Mu’adinka oo halkaasi ka hadlay, ayaa sheegay in Wasaaradda Maaliyadda, maamulka dekedda iyo Shirkadda DP World, ay ka wada shaqaynayeen keenista qalabkan.

Taariikhda waa markii ugu horeysay ee qalab noocan oo kale ah oo hubinaya badeecadaha ka soo degaya dekedda Berbera iyo noocyada ay ka kooban yihiin laga hirgaliyo dekedda magaalada Berbera.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here