Dawladda Hoose Ee Hargaysa Oo Awaamiir Ka Soo Saartay Xoolaha Suuqyadda Lagu Soo Dhexdaayo

0
1031

Hargaysa (Hargeisa Press.com):  Dawladda hoose ee caasimadda Hargaysa ayaa ugu baaqday dadka xoolaha ku soo dhex daaya caasimadda in ay xoolahoodda ka joojiyaan suuqyadda magaaladda.

Waxaanay ku hanjabtay dawladda hoose in wixii hadda ka danbeeya xoolahaasi ay la wareegi doonaan, isla markaana xoolahaasi loo qali doono maxaabiista xabsiyadda dalka ku jira iyo cusbitaaladda Dhimirka.

Sidaasina waxaa sheegay maayar ku-xigeenka caasimadda Hargaysa C/casiis Maxamed Cago-weyne, kadib kulanka maanta ka qabsoomay xarunta dawladda hoose  oo uu shir-gudoominayay maayar ku-xigeenku.

Waxaana kulankaasi lagaga hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa bilicda caasimadda iyo ololeyaal ay doonayso in dawladda hoose ay ka fuliso qaar ka mida degmooyinka caasimadda Hargaysa.

Maayar ku-xigeenka ayaa kulankaasi markii uu soo dhamaaday waxa uu warbaahinta uga warbixiyay u jeedadda shirkaasi iyo waxyaabihii lagu falan qeeyay.

Waxaanu yidhi “Waxaan dadweynaha caasimadda Hargaysa ku nool ku wargelinayaa in dawladda hoose ee Hargaysa ay samaynayso ololeyaal. Ololeyaashaas oo isugu jira mid nadaafadeed lagu nadiifinayo dhamaanba caasimadda iyo mid banyan wadooyin ah.

Sida wadadda loo yaqaano 150-ka, waana in iskaraabyadda (baabuurta duuga ah) iyo waxa yaala oo dhan laga gurto, iyadoo wadaddaasi noqon doonta mid ku wareegaysa caasimadda oo dhan”.

“Dadka meheradaha ganacsiga iyo cooshadaha ka samaystay jidadka la banaynayo sida 150-ka iyo jidka dabamara cusbitaalka guud waa in ay  ka guuraan. Waayo? Waxaa la bilaabayaa dhirayntii caasimadda.

Waxaan halkan ka amrayaa  in degmooyinka 26-ka Juun iyo Gacan Libaax, in ay iyag-na bulshadda ku sii wacyigeliyaan ololeyaashaas oo bilaabmi doona maalinta Isniinta ah ee soo socota”ayuu yidhi Cago-weyne.

Geesta kale maayar ku-xigeenka Hargaysa waxa uu ka hadlay tallaabadda laga qaado xoolaha magaaladda lagu soo dhex daayo.

Isagoo arrimahaas ka hadlayayna waxa uu yidhi “Xagga bilicda, iyadoo kor loo qaadayo bilicda caasimadda dhawr jeer-na aanu mudooyin siinay  xoolaha waa in laga saaro magaaladda in dhegaha laga furaystay ayaad moodaa.

Wixii imika ka danbeeya waxaanu ka qaadi doonaa tallaabo sharciga waafaqsan, mana ogolaan doono laga bilaabo maanta in magaaladda Hargaysa Neef xoolo ah lagu soo daayo.

Haddii ay Geel tahay, haddii ay Lo’ tahay iyo haddii ay Adhi tahay-ba. Wixii danbe ee xoolo ah oo magaaladda lagu qabto in Jeelasha dalka loo qaybin doono, oo loo qali doono cusbitaaladda ay dadka xannuunsanayaa ku jiraan iyo xabsiyadda”.

 

Hargeisa press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here