Dawlada Canada Oo 45 Maalmood Kaga Baaraan Dagaysa Dalabkii Aqoonsiga Somaliland Ee John Mckay Ka Jeediyay Baarlamaanka

0
872

Hargeysa, (HargeisaPress) —dawlada Canada ayaa la filayaa inay jawaab kaga soo bixiso codsi ay saxeexeen qurba joog u dhashay Somaliland,isla markaana xildhibaan John Mckay jimcihii lasoo dhaafay ka hor akhriyay baarlamaanka dhexdiisa.

 

“Xildhibaan John Mckay waxa uu ka horjeediyay baarlamaanka Canada dalab lagaga codsanayo dawlada Canada inay u aqoonsato Somaliland dawlad madax-banaan.Dalabku waxa uu ahaa mid buuxiyay shuruudihii lagaga dhex jeedin karayay baarlamaanka ,waxaana saxeexay 295 taageere oo dhamaantood kamid ahaa qurba jooga Somaliland ee degan Canada”sidaas ayuu yidhi Ryan Pyne oo ah xoghayaha gaarka ah ee xildhibaankan oo la hadlay wargeyska Dawan oo waxna ka waydiiyay hindisahaasi.

 

My Pyne waxa uu intaasi ku daray in dalabyada noocan oo kale ah ay dawladooda kaga soo jawaabto muddo 45 cisho gudahood ah ,waxaanu xusay in jawaabta rasmiga ah dawlada Canada ka bixiso soo jeedinta aqoonsiga Somaliland lagu soo hagaajin doono xafiiska deegaan doorashada Xildhibaan Mckay ee Scarborought Guildwood.

 

Dhinaca kalena wasiirka arimaha dibada Somaliland Dr Sacad Cali Shire ayaa dhambaal mahad celin ah u direy xildhibaan John Mckay  oo dhawaan u gudbiyay codsiga lagaga dalbanayo xukuumadda Canada in Somaliland ay u aqoonsato dal madax banaan.

 

Dr Sacad oo Wargeyska Dawan soo gaadhsiiyay dhambaalkan mahadcelinta ah isaga oo ku sugan wadanka ingiriiska isla markaana xubin ka ah waftiga madaxwayne Siilaanyo ayaa waxa uu qoraalka wasiirku u qornaa sida tan

“Aniga oo ka wakiil ah xukuumadda iyo shacabka Somaliland waxaan doonayaa inaan kaaga mahadceliyo u gudbinta dalabka aqoonsiga madaxbanaanida Somaliland baarlamaanka Canada.Somaliland way u qalantaa in loo aqoonsado dal madaxbanaa, waxay u leedaha xaq dhinaca haday tahay sharciyan,taariikhiyan ama bini’aadamnimo.Waxaan kuugu soo lifaaqay cadaymaha sharci ee muujinaya sababta Somaliland ugu qalanto in la ictiraafo”.

 

In kaste oo aan la saadaalin Karin jawaabta xukuumadda Canada ka bixin doonto aqoonsi ay siiso jamhuuriyada Somaliland,waxay dhaqdhaqaaqyadani kaalin ka qaadan doonaan dadaalka Somaliland shacab iyo dawladba ugu xusul duubayaan inay beesha caalamka ka helaan aqoonsi caalami ah oo ay kaga mid noqdaan dalalka aduunyada ka jira ee la ictiraafsan yahay.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

 

Follow us on Instagram: @Hargeisapress

Follow us on Twitter: @HargeisaP

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here