Hargeysa (Hargeisa Press)- Dalladda isku xidhka Haweenka Somaliland ee Nagaad, ayaa waxaa ay maanta daah-furtay Barnaamij-ololeedka Dooro xildhibaanad oo lagu taageerayo Haweenka sharraxan ee doorashada muddaysan ee sannadka 2026.
Daah-furka munaasibaddan oo lagu qabtay Magaalada Hargeysa, ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiin iyo madax kala mataalayay hay’adaha dawladda, hay’adaha aan dawliga ahayn, Hay’adaha Qarama Midoobay (UN Agencies), Madaxda Xisbiyada Qaranka, Komishanka Doorashooyinka, Haweenka musharrrixiinta ah iyo masuuliyiin kala duwan.
Dhammaan masuuliyiinta daah-furka munaasibadda ka soo qayb galay, ayaa waxaa ay ballanqadeen in ay taageero siinayaan haweenka si loo helo metalaadda haweenka ee goleyaasha qaranka.
Masuuliyiinta, ayaa sidoo kale waxaa ay xuseen ahmiyadda ay leedahay in la helo qoonadada/kootada haweenka.
Waxaa ay masuuliyiinta kala duwan ay Xukuumadda talada haysa u soo jeediyeen in ay meelmariso qoondada Haweenka, isla-markaana si heer qaran ah loo xaliyo loogana hawlgalo.
Hoos ka daawo muuqaalka