Dalalka Caalamka ee laga xusayo maalinta qaranimada Somaliland ee 18-ka May

0
1207

Hargeysa (Hargeisa Press)- Afhayeenka Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland Eng. Xuseen Aadan Cige (Deyr), ayaa sheegay in sannad guurada 34aad ee ka soo wareegtay dib ula soo noqoshadii madaxbannaanida Somaliland laga xusi doono in ka badan 70 magaalo oo ku yaalla dalka iyo ilaa 40 waddan oo caalamka ah.

Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland, ayaa waxaa uu tilmaamay in munaasibada qarannimada Somaliland ee 18ka May ay qiime iyo qadar weyn ugu fadhido shacbiga Somaliland.

Afhayeen Xuseen Deyr, wuxu sidaas ku sheegay qoraal uu ku baahiyay bartiisa X (Twitter), waxaanu iftiimiyay in xuskani uu yahay mid farxadeed oo shacbiga Somaliland ku iloobayaan xannuunkii xasuuqii iyo cabudhintii taliskii keli taliyihii Soomaaliya u geystay ummadda Somaliland.

Wuxuu xusay in shirkii waxgaradka dalku iskugu yimaadeen magaalada Burco ee lagaga dhawaaqay dib ula soo noqoshada madaxbannaanida Somaliland uu ahaa mid gabi ahaanba baabii’yay midowgii nasiib darrada ahaa ee ay Somaliland la gashay Soomaaliya 1960kii.

“18-ka May sannad kasta, shacabka Somaliland ee gudaha dalka iyo jaaliyadaha ku nool daafaha caalamka waxa ay xasuusta murugada leh ee midowga u beddelaan debaaldeg farxadeed, iyaga oo maamuusaya maalintii dib loo helay madax-bannaanida sannadkii 1991-kii,” ayuu yidhi Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland.

Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Xuseen Aadan Cige Deyr, ayaa wuxuu sheegay in xuska 18ka May uu Somaliland u yahay astaan lagu muujiyo midnimada shacbiga, adkaysiga iyo raadinta aqoonsiga caalamiga ah ee dalku ka doonayo caalamka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here