Dagaalka Aviationka ee Somalia inagu soo qaadayna ma wuxuu ka mid yahay dadaalada aqoonsi raadinta Somaliland.

0
246

Hargeysa – Xukuumadii waxay kaga dhagtay Aqoonsigii waa December iyo inay lacago ku bixiso wargayso dibadeed si loo majaro habaabiyo Dagaal E-Visaha oo cid kasta saameeyay. Waar aqoonsigu waa kaynu doonaynee horta wax ka qabta Visa Somalia loo doonaynayo, wax ka qabta isku furanka Xamar iyo Hargeysa, wax ka qabta shirka Dastuurka Somalia iyo habraaca xildhibanada lagu soo xuli lahaa oo doodiisa la yidhi Hargeysa lagu qabanaya. Wax ka qabtaa shirkadaha Xamar ka diiwaangashan ee Gudida qandaraasyadu siinayaan mashaariicda. Wax ka qabta hagardaamooyinka la kawsaday xukuumada Wadani ee qaranimada dhaawaca ku ah iyo qaar kaloo badan.

Reer Somaliland waxan farayaa fadhiga ka kaca oo Qaranimada aan badbaadino. Somalia iyo kooxda Xasan Sheekh way ka badheedhen in Somaliland la go,doomiyo. Hadii Xukuumada Somaliland ay qaadi waydo talaabo wax looga qabanayo ama lagu joojinayo duulimaadka FlyDubai, waxa cadaan doonta in xukuumadu raali ka tahay E-visa Somalia, shacabkuna waxay qaadi doonaan talaabada ku haboon.

E-Visaha ay Xamar kusoo rogtay diyaaradaha Somaliland yimaada waa qorshe ka dhan ah qadiyada Somaliland oo la rabo in lagu go,doomiyo jiritaanka qaranimada JSL. Waa qorshe haduu hirgalo god madow ku ridaysa wixii 34 sano soo wadnay, waa qorshe ay rag aan dalka dan ka lahayn doonayaan inay waxooga shilimaada dhaafsadan qaranimada.

Madaxweynaha JSL waxaan leeyahay dalka adaa laguu dhaariyay ee arintan kasoo saar go,aan degdega. Maanta ma joogto mucaarid iyo muxaafadba waxa laga hadlayaa waa masayrkii umadda Somaliland oo inagoo soo taagan la rabo in Somalia layna ogolaysiiyo oo qasab ah.

Allow Somaliland dhawr.

Wabilahi Tawfiiq.
#DubadGacayte

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here