Shaxan Shiikh Waxu raba umeydey dowladnimadi ku kala tageen oo aan maamulkiisu adeeg bulsho ka qaban, Xasan sheekh wuxuu raba Inuu jeebkooda baadho (khasad) diisa oo xamar taalna ku shubto lacagta shacabka JSL
Waxaan u sheegeyna JSL xukumadeedda iyo shacabkooduba waa u diyaar iney dagaal qaawan ka galaan arinrta E-Visa. Caalamka waxaanu u shegeeyna maamulka fashilmey ee wali magacii Somalia ku shaqeynayaa in aanu maamuli karin Hawadda ee lagu celiyo UN maamuli jirey.
Madamaa ey si qeyral masuulnimo ula dhaqmayaan shacabka reer Somaliland rabaana iney cabudhiyaan. Dadkani maaha dad qadiyadoda ciyaar isku dhiibaya. Xeerarka caalamka wey fahamsan yihiin.
Caalamka lama arag meel aanad maamulin oo adeeg bulsho ka bixin karin inaad shacabka Somaliland jeebkooda baadhato xaquuqdooda socodkana xanibaad saarto. Adoo doonaya inaad E-visa aaney u baahneyn ku khasabtaan. Waana xatooyo qaawan.
Dunidu wey ka dheregsan tahey qadiyadda Somaliland. 34 sano ka hor dowladii burburtey magaceeda shacabka Somaliland laguma cabudhin karo. Si cilmiyana oo aqoonleh ayaanu uga dagaal galeyna xukumadda, aqoonyahan, qurbe jooga reer Somaliland oo mideysan
Waxaana idin tusi doona in qoladi maamuli jirtey dib loogu celiyo. Madama aad ku takri fasheen masuliyadii Hawadda. Inyar oo khalkhal gelinya Diyaraduhu ma xamili karaan.
Wey awoodaan reer Somaliland iney hawadda awood walba u isticmalaan. Balse waxey ixtiramayaan masuliyada iyo qanunka caalamka.
Maamulka Villa Somalia dadkayaga ma baadhan karo. Waa tuugonimo qaawan. Lamana aqbalayo
Dowladdnimaddi beynu ku kala tagney sidaad dad aanad adeeg bulsho u qaban karin dhaqaale uga qaadan karta. Addunka wax u aqbali karo sharciyada ka jira maaha.
Hadaad shacabkiina baadhaneysan kuwayaga ma baadhan kartaan. Dadka reer Somaliland waxaan u sheegayaa xukumaddu dagaal qaawan oo heer caalamiya bey ka galeysa.
Haka werwerina waqriyo ka adag eynu dulcad iyo daroor joogney beynu soo marney. Weli dagaalkii shacabka Somaliland ee maamul xamar ka dhisani ma dhamaan. Balse caqligeena iyo awoodeena beynu isticmaaleyna iyadoo ey gadhwadeen ka tahey xukumadda maanta joogta
Waa Bilaahi Towfiiq
Somaliland Guul
Hon-Envoy Abdirizak Diinaari




















