Dacwad xilka xayuubin ah oo laga gudbiyay Xildhibaan Maxamed Abiib

0
2201

Hargeysa (Hargeisa Press)- Xeer Ilaalinta guud ee Somaliland, ayaa waxa ay dacwad xilka xayuubin ah ka gudbiyeen Xildhibaan Maxamed Abiib oo ka tirsan mudanayaasha golaha Wakiillada Somaliland.

Xeer ilaalinta qaranka, ayaa mudanayaasha golaha Wakiillada u soo jeediysay in Xildhibaan Maxamed Abiib xilka xayuubin lagu sameeyo.

Warqad dacwad ah oo uu ku saxeexan yahay Garyaqaanka guud ee Somaliland ayay xeer ilaalintu ku codsatay in xilka laga xayuubiyo Xildhibaan Maxamed Abiib.

Xeer Ilaalinta qaranka, ayaa warqada dacwada ee ka dhanka ah Xildhibaan Maxamed Abiib u gudbisay Guddoomiyaha golaha Wakiillada Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon.

Xildhibaan Maxamed Abiib, ayaa la sheegay in lagu eedeeyay dacwado ay ka mid yihiin inuu Jabuuti kula kulmay madax ka tirsan Soomaaliya.

Hase ahaatee, Siyaasiyiin iyo xildhibaano, ayaa siyaabo kala duwan uga falceliyay soo jeedinta garyaqaanka guud, ee ka dhanka ah Xildhibaanka, iyagoona ku tilmaamay wax aan la aqbali karin, iyo talaabo aan meelmar ahayn.

Xildhibaano ka tirsan golaha Wakiillada, ayaa Guddoomiye Faratoon ku eedeeyay in uu ka qariyay warqada isla-markaana uu u gudbiyay guddida joogtada ah ee golaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here