Djibouti (Hargeisa Press)- Dab aad u xoogan, ayaa galabnimadii shay ka kacay qaybo ka mid ah Dekadda magaalada Jabuuti.
Dabka, ayaa lagu soo waramayaa inuu sii xoogeysanayo, inkastoo ilaa hadda aan la ogeyn waxa sababay.
Waxaa lagu soo waramayaa in dabku uu ka kacay bakhaarada ku yaalla aaga canshuuraha ka caagan ee freson-ka ee dekedda.
Ilaa iyo hadda lama oga waxaa sababay dabkan iyo khasaaraha ka dhashay, balse muuqaalo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayay bakhaarada freson-ka oo gubanaya, isla-markaana holac iyo qiiq cirka isku shareeray ka baxayo.
Waxaana socda dadaalo ay wadaan maamulka dekeddaha iyo ciidamada Dab-demiska oo la tacaalaya dabkan xoogan.
https://www.facebook.com/share/v/jD5fwxdYLLq8NLKy/?mibextid=oFDknk