Dhul go’ ka dhacay Koonfurta Itoobiya oo dhimasho sababay

0
1114

Addis Ababa (Hargeisa Press)- Dhul go’ ka dhashay roobab mahiigaan ah oo ka da’ay deegaanka Wolaita ee koonfurta dalka Itoobiya, ayaa sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah.

Dhul go’an, ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 13 qof, waxaana la filayaa in tirada dhimashadu ay kor u kacdo, sida uu sheegay xafiiska isgaadhsiinta ee gobolkaasi, isagoo soo xiganaya maamulka deegaanka.

Dad ka badan 300 oo qof, ayaa laga daadgureeyay degmada Kindo Didaaye, waxaana weli deegaankaas ku sii hadhsan tiro dad ah oo aan la ogayn inta ay leeg yihiin.

Sida warbixinta lagu sheegay, waxaa laga yaabaa in dhimashadu ay intaas ka sii badato.

Gurmad aad u ballaadhan, ayaa lagu soo waramayaa in uu ka socdo deegaanka Wolaita.

Xafiiska isgaadhsiinta ee ismaamulka koofurta Itoobiya, ayaa digniin ka soo saaray khatarta fatahaadaha iyo dhul go’a ee ka jira deegaanada kala duwan ee dalka Itoobiya, sababo la xidhiidha xilli roobaadka.

Iyadoo taasi laga duulayo, ayaa bulshada loogu baaqay inay ka taxadaraan ka hortagga masiibooyinkan.

Dhul go’an, ayaa u muuqda inuu ka sahlan yahay kii dhacay bishii hore, oo sababay geerida in ka badan 200 oo qof.

Itoobiya, ayaa caan ku ah dhul go’yada, xilliyada ay da’ayaan roobabku, waxaana ay dhacaan inta u dhexeysa bilaha July illaa September.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here