Hargeisa (Hargeisa Press) – Dab xoogaan oo gaystay khasaare nafeed iyo Mid Hantiyeedba, ayaa waxaa uu goordhawayd uu ka kacay magaalada Hargeysa.
Dabkan, ayaa waxaa la sheegay inuu ka kacay Guri yaala xaafadda Laynka Booliska ee badhtamaha magaalada Hargeysa.
Waxaana lagu soo waramayaa in dabkan ka kacay Gurigaasi ay ku dhinteen laba caruur ah, waxaana la sheegay in labada caruurta ah guriga dusha lagaga xidhay kohor dabku inta aanu ka kacay Gurigaasi.
Labadan caruurta ah ee ku dhintay dabkaasi, ayaa la sheegay inuu dhalay Askari ka tirsan ciidanka Somalialnd.
Geesta kale, waxaa lagu soo waramayaa in Gurigii uu ka kacay dabkaasi uu gabi ahaanba burburay.
Waxaa sidoo kale goobta uu ka kacay dabkaasi gaadhay Taliyaha ciidanka dab-demiska Somaliland, Maayirka magaalada Hargeysa iyo masuuliyiin xukuumada ka tirsan.
Ilaa iyo hada lama oga waxaa sababay dabkaasi ka kacay gurigaasi.