BERBERA, (HargeisaPress) —James Jeffrey oo ka tirsan . BBCNEWS.COM ayaa ka qoray warbixin uu kaga faallooday xaalada Berbera ay ku sugantay waqtigan, sidii taarriikhiyan ay beryo ahaan jirtay iyo mustaqbalkeeda oo uu ku tilmaamay mid ifaya.
Warbixintaas oo aan ka soo turjunay waxa ay u dhignayd sadan:- ‘Berbera oo ku taal ka soo horjeedka gacanka Cadmeed waxa ay mar ahaan jirtay xudunta marinnada ganacsi ee u dhexeeya gudaha Geeska Afrika iyo Bariga dhexe.
Waa deked ballaadhan oo la jaar ah Djibouti oo waqtigan heysata horyaalka ganacsiga gobolka.
Quruxda naqshadaha qadiimka ah ee Berbera ee burbursani waxa ay isugu jiraan dhismayaal ka soo jeeda Cusmaaniyiintii iyo kuwa ay adeegsadeen jireen bulshooyinkii ganacsatada ahaa ee jiiraanka sida Carabta , Hindida, iyo Yuhuuda ee ay mar ku noolaayeen oo haatan si sibiq ah u sii baaba’aya.
“Somaliland in ay xarun ganacsi oo istiraatiiji ah loo isticmaalo,” ayuu yidhi Weli Daud oo ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda. “Hadda waxa loo raadinaya maalgelin shisheeye dekedda Berbera.”
Somaliland oo ahaan jirtay British Protectorate waxa ay xorriyada qaadatay 1960-kii, inkasta oo wax faro ku tiris ahi ka sii muuqdaan raadadkii gumaystaha ee Berbera.
Dhaqaalaha Somaliland ayaa ku tiirsan dhoofka xoolaha ee laga dhoofiyo dekeda Berbera ee casriga ah.
Adhiga iyo Geella ayaa loo diraa Saudi Arabia halka 70% waxyaabaha ka soo dega laga iibiyo Itoobiya oo la jaar ah.
“Somaliland waxa ay ahaan jirtey xarun ganacsi oo istaraateji ah ,” sidaa waxa yidhi Weli Daa’uud oo ka tirsan wasaarada maaliyada Somaliland. “Haatan waxa ay dowladdu u raadinaysaa dekeda maalgashi shisheeye.”
Xeebta Somaliland oo gaadhaysa 850km waxa ay hodan ku tahay kalluun xad dhaafa oo laga samayn karo suuq ballaadhan oo xaami ah. Haatanse, si ay tahayba tiro kooban oo kalluumaysato ah oo keliya ayaa ka xoogsada khayraadka badda hodanka ah ee ku weegaarsan. Waxa jira qaar soo jeediya in la adeegsado xeebaha dihin ee soo jiidanaya dalxiisayaasha.
Haseyeeshee Georgina Jamieson oo ka tirsan Haa’yad addeega tallo-bixineed oo saldhigeedu yahay UK ayaa waxa ay leedahay ma jiraan adeeg ku filan oo kaabayaasha dhaqaalaha ahi. ” Inkasta oo taasi qayb ka tahay bilicda, waa mid aad u dihin oo aan la taaban. Qaar ayaa leh waa sidii ay ahaan jirtay beryo oo kale Masar ka hor intaan la daah furin dalxiiskeeda.”
Berbera mar waxay ahayd xarun ganacsi badda ee u dhexeeya Horn of Africa iyo Bariga Dhexe. Saacado badan ayaa la cuna qaadka raga qadka cuna wax lagu qiyaasay 90% ragga Somaliland.Qaar ka mid ah waxa uu soo jeedinayaa isticmaalaya xeebaha loo ogeyn in uu soo jiito dalxiisayaal.
Laakiin Georgina Jamieson adeegga latalin dalxiiska UK ku salaysan Qorshaha Dunira ayaa sheegay ma jiro kaabayaasha ku filan. “In kasta oo ay tahay qayb ka mid ah quruxda,. Waxaa Sucuudiga Qaar ka mida waxay yidhaahdaan waa sida Masar u muuqatay ka hor ganacsigii dalxiis ay.”