Daawo Muuqaal: Wasiir CUKUSE Oo Booqday Abwaanki Weyna Ee Cali Sugule Oo Ku Xanuun Sanaya Dalka Imaraadka

0
944

Hargeysa, (HargeisaPress) — Wasiirka Warfaafinta Somaliland, Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo qayb ka aha Waftiga Madaxweynaha ee ku sugan dalka Imaraadka Carabta, ayaa Gurigiisa ku booqday Abwaanka caanka ah ee Cali Sugulle (Dun-carbeed) oo kamid ah tiirarkii Fanka iyo Sugaanta Soomaalida, Abwaan Cali Sugulle oo ku xanuun sanaaya dalkaas ayuu Wasiirka Warfaafinta Somaliland Xukuumadda iyo bulshadaba u soo jeediyay in la caawiyo oo laga abaal mariyo tacabkii uu dalka gashaday, Wasiir Cukuse oo arrintaas ka hadlaaya wuxuu yidhi.

“Waxaan Magaalada Shariqa ee dalka Imaaradka aan maanta ku soo booqday Abwaankeeni weynaa, hal abuurki Sugaan yahanki kamid aha Shakhsiyaadki koobna ee Fankeena iyo Sugaanteena Seeska u dhigay, Hal-abuurka wadadii ay inoo jeexeen aynu raacnay, Hal-abuurka inagu dhiiri galiyay in aynu yeelan karno dhaqan sugaaneed oo gaara iyo Miyuusig gaara, inagu dhiiri galiyay inuu qormiba karo, shakhsiyaadki dariiqaasi jeexay ee ka dhigay Fanku inuu noqdo wax lagu Faano wax ummada loogu faa’iideeyo, wax diinta wax ka tara, wax dhaqanka wax katara, wax Wadaniyada wax ka tara, wax gumaysiga la dirira, wax xorriyada soo celiya dadkii inabaray iyo hal-abuurkeeni weynaa Cali Sugulle oo xanuun sanaaya”.

 Wasiir Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo ka hadlaaya abaalka iyo gacanta uu maanta u baahanyahay Abwaanka weyn ee Cali Sugulle, iyo qiimaha uu Qaranka Somaliland ka mudanyahay wuxuu markale yidhi. “Illahay Gar-gaarkiisa ayuu u bahanyahay, oo Gar-gaar keena ayuu u baahanyahay, dhammaan intii uu dalka gashaday, intii uu dadka gashaday, intii uu dhaqanka gashaday, intii uu sugaanta gashaday, intii uu hal-abuurka gashaday intii uu Wadaniyada gashaday abaalkeedi dadka iyo dalkaba wuu ku leeyahay, illahay haynaga dhigo kuwii isagana gacan qabta isaga iyo inta lamidka ahna ee maanta gacanteena u baahana u Gar-gaari karta, illahay Caafimaad ayaan uga baryayaa waxaanan u soo gudbiyay Salaan uu Madaxweynaha Somaliland, Mud. Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) oo ii sheegay inuu kamid aha dadkii Sugaantiisa la wakhtiga aha aqoon badana ka dhaxaysay  isoo faray.”.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here