Daawo Muuqaal: Madaxweyne ku Xigeenka Somaliland oo Maanta Casuumad Dhaqan u sameeyay Madaxweynihii hore Puntland

0
870

Hargeysa, (HargeisaPress) — Madaxweyne ku Xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Mudane C.raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ayaa Maanta Casuumad Sharafeed dhinaca dhaqanka ah ku Maamuusay Madaxweynihii hore ee Maamul Goboleedka Somaliyeed ee Puntland C.raxmaan Maxamed Faroole oo Mudooyinkii u danbeeyay Hawlo dhaqan u joogay Caasimada Hargaysa, Waxaana ka Qayb galay Casuumadaasi Madaxda Sare ee Xisbiga Kulmiye iyo Wasiiro ka tirsan Xukuumada.

Madaxweynihii hore ee Puntland oo markii u horaysay socdaalkiisa ka hadlay ayaa sheegay in socdaalkiisu la xidhiidho geeridii ku timid Xaaskiisa oo reer Somaliland ahayd “Madaxweyne xigeen, imaatinkayga halkan waad ka war haysaan oo wuxuu ahaa xidhiidh aan idin la soo sameeyay, oo aan u imid si gaar ah oo khusaysa geeridii xumayd ee naxdinta lahayd ee ku timid qoyskayga(Xaaskaygii).

Qoyskayga oo u qaybsanaa Australia oo anigu aan joogay iyo Garoowe iyo Hargeysa, ayaan qaybtan Hargeysa ku soo gaadhay tacsi.  Tacsidaas dadka iigu yimid ma tirin karo, waxaan hore u aqaanay oo asxaab ahayn, waxaanu qaraabo ahayn iyo dad ka mid ah dadweynaha iyo xukumadda. Aad iyo aad baan uga mahadcelinayaa sidaas la iigu qadariyay intii aan halkan joogay, idinkana waan idiin hambalyaynayaa waanan idiin mahadnaqayaa dhammaantiin haddaad tihiin xukumad iyo shacabba” ayuu yidhi Cabdiraxmaan Faroole.

Madaxweyne xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici ayaa isna ka hadlay Munaasibada qado sharafta ah “ waxaa sharaf weyn noo ah inaanu halkan ku marti qaadno Cabdiraxmaan oo kolay ah Oday Soomaaliyeed oo halkan inala jooga. Sharaf bay noo tahay Madaxweynahana way is arkeen, markaa marti qaadkuu nagu lahaa uun baanu u samaynay” ayuu yidhi Madaxweyne Xigeenku.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here