HARGEISA, (HargeisaPress) —Madaxweynaha Somaliland Mud Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa maanta qasriga Madaxtooyada ee Magaalada Hargaysa ku qaabilay safiiirada Dalalka Norwey, Holland iyo Denmark u fadhiya Magaalada Nairobi oo ay wehelinaysay sarkaalka Dawlada Ingiriiska u qaabilsan kaalmada Afrika, waxana kulanka lagaga wadahadlay arimo ay ka mid yihiin deeqda sanduuqa dhaqaalaha Somaliland, hirgelinta Diiwaangelinta iyo Doorashada iyo mashaariicda kale ee arimaha bulshada iyo kaabayaasha nolosha aadamaha ee wadamadani ka taageeraan Somaliland.
Halkan ka Hoose ka daawo Muuqaalka
HargeisaPress News Desk — Hargeysa