Hargeysa, (HargeisaPress) — Guddida doorashooyinka Somaliland, ayaa markii u horaysay kulan la yeeshay Saddexda Xisbi Qaran, kulankaasi oo lagu sheegay isbarasho iyo inay labada dhinac ka wada hadlaan sidii hawlaha doorashada loo dhaqaajin lahaa.
Kulanka oo saxaafaddu dibadda ka joogtay markii uu dhamaaday waxaa saxaafadda la hadlay xubnaha Asxaabta ka socday “Komishanka ayaa noo yeedhay, waxaa joogay Saddexda Xisbi Qaran xubno ka socda,Komishankana 7-diiba way dhamaayeen. Aayado Quraana ayaanu ku furanay, waa la isbartay oo Magacyada ayaa la isku akhriyay, dabadeedna Gudoomiyaha Komishanka ayaa xogaa yar oo warbixin ah naga siiyay wixii ay qabteen tan iyo markii Baarlamaanku ansixiyay. Way nala wadaagaan walaaca iyo wararka ah in wakhtigu yar yahay waxaanuna siinay Kalsooni” ayuu yidhi Boobe Yuusuf Ducaale oo Xisbiga Waddani ka socday.
Jaamac Shabeel oo ka socday Xisbiga Kulmiye ayaa isna halkaasi ka hadlay “Shirka aanu Komishanka la galay wuxuu ahaa isbarasho.waxay ahayd in Xubnihii Xisbiyada ee la shaqaynayay Komishanka iyo Komishanku ay isbartaan. Wuxuu ahaa fadhigii u horeeyay ee ay yeesheen, waana la is magac bartay,Telefoonada waa la kala qortay sidii loo wada shaqayn lahaana waa la isla gartay, waana laga balamay hawlaha dambe iyo sidii loo dhaqaajin lahaa”
Musharax xigeenka Xisbiga Ucid Cabdirashiid Xasan Mataan oo isna ka hadlay kulankaas “Wuxuu ahaa kulankii u horeeyay ee Isbarashada ahaa, si fiican baanu isku qaabilay, waxaanu isku sheegnay in la isa siiyo kalsoonida labada dhinacba horena waa la isku siiyay ee in la sii xoojiyo, waxay ka warbixiyeen safarkoodii, waxay ka warbixiyeen halkay hawli u marayso,, waanuna ku qanacnay warbixinta ay na siiyeen”
Maalmihii u dambeeyay ayaa Mucaaradku sheegay inaanay wax xidhiidh ah ka hayn Komishanka oo mudo ku dhaw 3 todobaad joogay dalka ka dib markii ay ka soo noqdeen safarkoodii Nairobi ee aqoon korodhsiga ahaa, Waxaana la filayaa inay hadda wada shaqayn dhaw yeeshaan Komishanka iyo Asxaabtu.