Sheekh,Saaxil (HargeisaPress) – Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Mudane: Cabdiraxmaan Cabdilahi Ismaaciil Saylici Iyo Wafti Uu Hogaaminayo Oo Safar Shaqo Ku Joogay Magaalada Burco Ayaa Kawarbixiyay BooqashooyinkiiUu Maanta Kusoo Kala Bixiyay Meelo Badan Oo Kamida Magaalada Burco, Isagoona xadhiga Ka Jaray Mashaariic Badan oo Dawladu Ka Hirgalisay Magaalada Burco.
Madaxweyne Ku xigeenka Oo Maanta Galinkii Danbe Ka Hor Intaanu Ka Soo Ambabxin Magaalada Burco, Waxa uu Warbaahinta Kula Hadlay Aqalka Madaxtooyada Ee Burco, Isagoona Ka Warbixyay Ujeedada Socdaalkooda Iyo Waxyaabihii Uqabsoomay Intii ay joogeen Magaalada Burco.Iyadoona Uu Safarka Ku Wehelinaayay Wasiir u Dawlaha Wasaarada Waxbarashada, Afyahayeen uxigeenka Madaxtooyada Iyo Masuuliyiinkale,
Geesta kale Madaxwayne ku Xigenka Somaliland Oo ayaa galabta si ballaadhan loogu soo dhaweeyay Magaaladda Sheekh. Waftigan oo u hoggaamiyay Madaxwayne ku Xigenka Somaliland oo galabta ku soo hoyday Magaaladda Sheekh ayaa kala kulmay soo dhaweeyn balaadhan Madaxwayne ku Xigenka Somaliland ayaa dadweynaha degmada sheekh la hadlay.
Madaxwayne ku Xigenka Somaliland ayaa isla galabta xadhiga Ka Jaray Mashaariic ay ka mid yihiin wado iyo iskuul loo dhisay dumarka Magaalada Sheekh Mashaariicdan oo ha kuwa dawladaha Hoose lagu horumarinayo .
Madaxwayne ku Xigenka Somaliland ayaa degmooyinka Burco iyo sheekh ayaa xadhiga ka jary mashaariida mashruuca JPLG (Joint program for local Governments ).
Mashruucan oo ah maamul daadajin ayaa laga doonayaa inay dadweynaha ku nool degmooyinkaasi u heli lahaayeen adeeg hufan iyo waxqabad muuqda, isla markaana baahiyaha dadweynaha loo ogaan lahaa sidii wax loogu qaban lahaa
HargeisaPress News Desk – Sheekh