Hargaysa (HP): Waxaa maanta magaaladda Hargaysa lagaga dhawaaqay urur siyaasadeedka Barwaaqo oo ka mid noqonaya ururadda cusub.
Ururkan cusub ee Barwaaqo waxaa guddoomiye u ah Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, oo muddo dheer saaxadda siyaasadda Somaliland ku soo jiray.
Munaasibadii shaacinta urur siyaasadeedka Barwaaqo waxaa ka soo qayb galay siyaasiyiin, aqoon yahanno, haween, dhalinyarro iyo marti sharaf kaloo badan.
Guddoomiyaha urur siyaasadeedka Barwaaqo Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, oo xafladii shaacinta ururka hadal ka jeediyay ayaa ka warbixiyay qorsheyaasha uu ku hawl geli doono ururkiisu iyo u jeedadda ku kaliftay inuu ururkan aasaaso.
DAAWO:Khudbadii Dr. GABOOSE:
Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.