Daahfurka Mashruuca Waxbarashada ee adkaysiga isbedelka cimilada + SAWIRRO

0
716

Hargeysa,(HargeisaPress)– Waxaa maanta si rasmi ah ay Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland u daahfurtay Mashruuca Waxbarashada ee u Adkaysiga Isbedelka Cimilada (Smart Climate Change Education Initiative). Mashruucan ayaa ah mid la doonayo in waxbarashadu u noqoto mid la jaanqaada isbedellada cimilada ee caalamka, si kaabayaasha waxbarshadu u noqdaan mid u adkaysta isbedelka cimilada iyo in faham dheer oo ku waajahan isbedelka cimilada bulshadu u yeelato iyadda oo loo marayo manhajka.

Munaasabadda daahfurka mashruucan waxa hoggaaminayay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Barbaarinta iyo Sayniska Prof. Ismaaciil Ducaale Yuusuf, waxaana wehelinayay Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Waxbarashada, Mudane Maxamed Yuusuf Ibraahim (Faacuul) iyo Agaasimah guud ee Wasaradda Mudane Cabdiraxman Xusen Xirsi.
Waxa kale oo ka soo qaybgalay munaasibad daahfurka masuuliyiin ka socday: Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada, Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guriyeynta, Hay’adda Udiyaar garowga Aafoyinka & Keydka Raashinka Qaranka JSL, Madaxa haayadda Save Children Sonaliland – C/naasir Cali Sahal , Dhamaan masuuliyiintii halkaasi ka hadlay waxay carabka ku adkeeyeen muhiimadda ay leedahay in waxbarashada iyo isbedelka cimiladu ay u noqdaan kuwo isla jaanqaadaan, si dalka Somaliland uu u yeesho adkaysi rasmi ah oo lagu wajahayo saameynta isbedelka cimilada ee mustaqbalka.

Guddoomiye ku xigeenka NADFOR ayaa hoosta ka xariiqay in hay’ad ahaan ay taageerayaan barnaamij kasta oo xal waara u keeni kara wax ka qabashada isbedelka cimilada, gaar ahaan waxbarashada.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Cabdillaahi Ibraahim, ayaa isna xusay in wasaaraddu ka go’an tahay inay door muuqda ka qaadato sidii dhismayaasha waxbarashada loogu sameyn lahaa qaab u adkaysi leh isbedelka cimilada.

Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Deegaanka, ayaa sheegay inay muhiim tahay in mashruucani wax weyn ka taro wacyigelinta bulshada, isla markaana la gudo galo sidii manhajka waxbarashada dalka loogu dari lahaa wax ku saabsan isbedelka cimilada si jiilka cusub ay u yeeshaan faham buuxa oo la xidhiidha isbedalka cimilada.

Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Waxbarashada, Mudane Faacuul, ayaa carrabka ku dhuftay in mashruucan uu yahay mid Wasaaradda si buuxda uga taageeray sidii loo wajihi laha isbedalk cimilada, maadaama uu wax weyn ka tari doono tayada iyo tirada waxbarashada dalka oo uu yarayn doono khataraha ka dhasha isbedalka cimilada ee jira.

Ugu dambayn, Wasiirka Waxbarashada, Prof. Ismaaciil Ducaale Yuusuf, ayaa si rasmi ah u daahfuray mashruuca, isaga oo sheegay in mashruucani yahay mid dalka cusub oo muhiim u ah waxbarashada dalka, lagama maarmaana u yahay in la horumariyo kaabayaasha waxbarashada si ay ula jaanqaadaan xaaladaha cusub ee isbedalka cimilada.

Waxa uu intaa ku daray in muhiimad gaar ah la siinayo in isbedelka cimilada lagu daray manhajka waxbarashada si loo kobciyo fahamka bulshada ee arrimaha deegaanka iyo isbedelka cimilada hada iyo mustaqbalkaba, waxanu wasiirku xusay in isbedalka cimilada tusaale inoogu filan masiibad ka dhacay buurta dallo taasi oo ah saamaynta isbadalk cimilada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here