Daah-furka Diiwaan-gelinta Ciidammada Somaliland iyo Cidda Xogtooda Haynaysa oo Cirro Caddeeyey + SAWIRRO

0
96

Hargeysa (HargeisaPress) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa waxa uu maanta ka qayb galay Munaasibadda Daahfurka Diiwaangelinta Casriga ah ee Ciidamada kala duwan ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo lagu qabtay Hoolka Weyn ee Ciidanka Booliska.

Waxa xusid mudan in Ballan-qaadyadii ay Xukuumadda Cusub ee Wadajir iyo Waxqabad ay la gashay ummadda Somaliland ay ka mid ahaayeen Diwaangelinta, Tayaynta, Casriyeynta iyo Xaq-siinta qaybaha kala duwan ee Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo Munaasibadda ka jeediyey hadal aad u qiimo badan waxa uu sheegay in ay isaga farxad gaar ah iyo dareen masuuliyadeed u tahay in uu ku dhawaaqo bilowga Diwaangelinta Casriga ah ee Taariikhiga ah ee Ciidamada kala duwan ee JSL (𝐁𝐢𝐨𝐦𝐞𝐭𝐫𝐢𝐜 𝐑𝐞𝐠𝐢𝐬𝐭𝐫𝐚𝐭𝐢𝐨𝐧) taas oo ah tallaabada koowaad ee hirgelinta dib-u-habaynta iyo Casriyeynta dhammaan Ciidamada kala duwan ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

Sida oo kale, Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi waxa uu sheegay in Ciidamada kala duwan Qaranku ay yihiin Haybadda iyo Udub dhexaadka Amniga iyo Xasiloonida Qaranka JSL iyo gaashaanka ilaaliya Qarannimadeenna, Difaaca Xuduudaheenna iyo xaqiijinta bad-baadada muwaadiniinta reer Somaliland.

Madaxweynuhu waxa uu xusay in Ciidamada Qaranku ay yihiin Hayy’ad Dastuuri ah oo u igman difaaca madax bannaanida dalka, xagga Dhulka, Badda iyo Cirka iyo guud ahaanba ilaalinta danaha Qaranka JSL.

Munaasibadda Daahfurka Diiwaangelinta Casriga ah ee Ciidamada kala duwan ee Qaranka waxa Madaxweynaha ku wehelinayey Guddida Wasiirada ah iyo La-taliyeyaasha Madaxweynaha ee uu Madaxweynuhu u xilsaaray Diwaangelinta iyo Casriyeynta qaybaha kala duwan ee Ciidamada Qaranka.

Sida oo kale waxa iyaguna Munaasibadda ka qayb galay Taliyeyaasha Ciidamada kala duwan ee Qaranka iyo Xubnaha Guddida Farsamo ee fulinaya Diiwaangelinta Casriga ah ee Ciidamada Qalabka sida.

𝐀𝐋𝐋𝐀𝐀 𝐌𝐀𝐇𝐀𝐃 𝐋𝐄𝐇,
𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 (𝐃𝐞𝐲𝐫)
𝐀𝐟𝐡𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here