Washington (Hargeisa Press)- Xildhibaan Perry Scott oo ka tirsan aqalka Congress-ka Mareykanka, ayaa Guddiga Arrimaha Dibedda ee Aqalka Wakiillada Mareykanka u gudbiyay mooshin lagu dalbanayo aqoonsiga Somaliland.
Xildhibaan Perry Scott oo ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga ee Madaxweyne Trump, ayaa laga soo doortay Pennsylvania, waxaanu 12kii Bishan December gudbiyay Mooshinka aqoonsiga Somaliland oo tirsigiisu yahay H.R.10402 — 118 Congress (2023-2024).
Tan iyo markii dib loo doortay Trump waxaa si weyn u soo baxaysay in Jamhuuriga ay u ololeynayaan in la aqoonsado madaxbannaanida dalka Somaliland.
Waxaana qorshahani uu xusan yahay mashruuca barnaamijka 2025 oo ay dejisay hay’ad Heritage Foundation oo gacansaar la leh xisbiga Jamhuuriga.
Sidoo kale, doorashooyinkii xorta iyo xalaasha uga qabsoomay ee madaxtooyada iyo xisbiyada qaranka, ayaa Jamhuuriyadda Somaliland u soo jiiday indhaha caaalamka oo xaqiiqsaday inay tahay mid ka mid ah dalalka hoggaaminaya horyaalka dimuqraaddiyadda Geeeska Afrika.