Washington (Hargeisa Press)- Siyaasiyiin iyo xildhibaano Mareykan ah, ayaa bayaan codsi ah u diray Congress-ka Mareykanka, kaas oo ay kaga dalbanayaan in ay ansixiyaan xeerka HR 10402, ee hore loogu gudbiyay shirweynihii 118aad ee aqalka Congresska, si loogu aqoonsado Somaliland qaran madaxbannaan.
Xubnahani waxay ku baaqeen in Somaliland loo aqoonsado in ay tahay qaran madax-bannaan, dimuqraadi ah. Sidoo kalena la taageero dadaalka Somaliland ugu jirto inay xubin buuxda ka noqoto ururada caalamiga ah oo ay ku jiraan Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika.
Warkan oo ay qortay warbaahinta Sign.moveon, waxa uu u dhignaa sidan: Bayaanka Codsiga: “Ictiraafka Somaliland. Waa Qaran Madax-bannaan oo Dimuqraadi ah oo Ku Hanweyn in uu ka mid noqdo qaramadda caalamka.
Annaga oo ah kuwa hoos ku saxeexan, waxaanu ugu baaqaynaa Congress-ka Maraykanka inay ansixiyaan HR 10402, ee lagu soo bandhigay shirweynihii 118aad, si loo aqoonsado Somaliland qaran madaxbannaan.
Xeerkani waxa uu ka dhigan yahay tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhinaca aqoonsiga Somaliland, taas oo ah sida hagar la’aanta ah ee ay uga go’an tahay dimuqraadiyadda, nabadda, iyo is-maamulka.
In ka badan soddon sanno, Somaliland waxay u shaqaynaysay sidii dal madax-bannaan, iyada oo ka go’day Soomaaliya. Ka dib markii ay ku dhawaaqday madax banaanideeda 1991 ka dib burburkii dawladii dhexe ee Soomaaliya,
Somaliland waxay dhistay dimuqraadiyad xasiloon, shaqaynaysa oo ay ka go’an tahay doorashooyin xor ah, xuquuqal insaanka iyo sharciga. Si ka duwan sida Soomaaliya oo weli la daalaa dhacaysa nabad-gelyo-xumo iyo colaado gudaha ah, Somaliland waxay u taagan tahay ifka rajo iyo horumarka Geeska Afrika.
Maxay Somaliland ugu mudan tahay Ictiraaf:
Hannaanka Dawladnimo Dimuqraadi ah iyo Xasiloon: Somaliland waxa ay qabatay doorashooyin dhawr ah oo nabad ah, iyada oo ay dawladuhu ku kala wareegayeen sanduuqa codbixinta. Nidaamkeeda siyaasadeed waxa uu ka tarjumayaa rabitaanka dadkeeda, isaga oo u kala saaraya in uu yahay dimoqraadiyad shaqaynaysa ee gobolka.
Madaxbanaanida Shacbiga: Somaliland waxay si joogta ah u muujiyeen rabitaankooda madaxbanaanida iyagoo adeegsanaya habab dimuqraadi ah, oo ay ku jirto aftidii 2001 oo in ka badan 97% ay u codeeyeen inay ka go’aan Soomaaliya.
Ballanqaadka Nabadda iyo Xasiloonida: Somaliland waxa ay ahayd mid inta badan nabad ah, xitaa iyadoo Soomaaliya ay la daalaa dhacaysay rabshado iyo xasillooni darro baahsan. Waxay samaysatay hay’ado u gaar ah, ciidan iyo hannaan sharci, iyadoo sugaysa amniga muwaadiniinteeda, waxayna gacan ka geysataa xasilloonida gobolka.”