Arabsiyo (HP): Agaasimaha guud ee wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Somaliland ayaa kormeer ku soo maray deegaamo ka tirsan gobolka Gabiley.
Kormeerka agaasimaha guud ayaa jawaab u ahaa qaylo-dhaan ka soo yeedhay maamulka degmadda Arabsiyo ee gobolka Gabiley.
Kaasoo la xidhiidhay xaaluf daran iyo gumaad loo gaystay dhir aad u fara badan oo deegaamadda Arabsiyo hoos yimaadda.
Waxaana agaasimaha guud kormeerkaasi ku wehelinayay isuduwaha wasaarada deegaanka ee gobolka Maroodijeex.
Guddoomiye ku xigeenka gobolka Maroodijeex Khadar Baaruud, iyo xildhibaan Cismaan Waxar, oo ka tirsan golaha deegaanka Hargaysa.
Cabdinasir Axmed Xirsi, agaasimaha guud ee wasaaradda deegaanka ayaa
sheegay in ay ciqaab adag mutaysan doonaan dadka lagu qabto deegaan xaalufinta.
Daawo: Warkaasi: