Hargeysa (Hargeisa Press)- Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland, ayaa waxaa ay beeniyeen warar been abuur ah oo lagu faafiyey baraha bulshada, kaas oo sheegaya in Ciidanka Ilaalada Xeebuhu qoronaayo ciidan cusub.
Bayaan ka soo baxay Taliska Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Shabakadda HargeisaPress, ayaa lagu sheegay in warkaas laga faafiyay Ciidanka uu been abuur yahay, isla-markaana aanay waxba ka jirin.
Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland, ayaa ku hanjabay inay tallaabo adag oo sharciga waafaqsan ka qaadi doonaan cidii baahisey warka been abuurka ah.
Hoos ka akhriso bayaanka kasoo baxay Ciidanka
“Beenin:-Ciidanka ilaalada xeebaha JSL wuxuu halkan ku beeninayaa warar been abuur ah oo lagufaafiyey baraha bulshada gaar ahaana facebook, kaas oo sheegaya ciidan cusub la qoraayo ciidanka bada Somaliland sidaas daraadeed warkaasi waa been abuur waxna kama jiro, waxaana laga qaadidoonaa talaabo sharciga waafaqsan cidii falkan ku kacday been abuurka ah….Allaah Mahad leh”