Ciidamada Millateriga Somaliland oo Qabtay Harimacad Sharci Darro Loo Dhoofinayay

0
947

Hargeisa (Hargeisa Press)- Ciidamada milateriga  Somaliland ayaa waxa ay waqooyiga magaalada Hargeisa gaar ahaan dhinaca Xeebaha ku soo qabteen 12 Hariimo Cad ah oo dad ay doonayeen in dalka si sharci daro ah uga saaraan.

Waxaa intii ay Ciidamada Milateriga Somaliland ay jidka soo jireen dhintay sadex ka mid ah Hariimo-cadyadaasi.

Gaashaanle Maxamed Axmed Saleebaan oo hogaaminayay Ciidamadaasi ayaa faah faahin ka bixiyay qaabkii ay u soo qabteen Hariimo  Cadkaasi, isagoona sheegay in Ragii Hariimo Cadkaasi watay ay goobta ka baxsadeen islamarkaana aanay ku guulaysan in ay gacanta ku soo dhigaan.

Hargeisa Press Desk/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here