Gabiley (HargeisaPress)- Wasiirka wasaaradda horumarinta Beeraha Somaliland Axmed Maxamed Habbane, ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay munaasibad xisbiga Kulmiye ku soo dhawaynayay beesha Xareed Bare ee degta gobolka Gabiley.
Wasiirka, ayaa sheegay in cidkasta oo lexejeclo ay kaga jirto qarankan Somaliland ay barbar istaagayso Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.
Sidoo kale, Wasiirka ayaa ka digay kooxaha huwanta dibadda oo uu sheegay inay wadaan dacaayado ay ku aflagaaday nayaan xukuumadda Kulmiye.